Natiijooyinkii iyo xaqiiqooyinkii Group H ee tartanka Champions League-ga

Group H

Valencia 3-1 Young Boys

Juventus 1-2 Manchester United

Xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay

20-darbo iyo 453-daqiiqo oo uu gool la’aan ka ahaa Champions League-ga ayuu kusoo gabogabeeyay inuu kooxdiisii hore ka dhaliyo.

In Manchester United ay daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta iyadoo gool lagu leeyahay laba gool dhaliso si ay u guuleysato ayaa xalay dhacday tan iyo Finalkii 1999 ay Bayern Muncih ka qaadeen.

Markii saddexaad ayaa garoonkeeda lagu garaacay Juve Champions League iyadoo hooggaanka ciyaarta qabatay waxaana horay ay u dhacday 2009 oo Bayern Munich 1-4 ku adkaatay iyo 2-3 oo ay Manchester United ku dubatay.

Juan Mata ayaa dhaliyay laad-xor oo toos markii 10-aad xirfaddiisa kooxeed (1 Valencia, 2 Chelsea, 7 Manchester United).

Cristiano Ronaldo waxa uu la kulmay guuldarradii ugu horreysay ee kasoo gaartay Manchester United ka dib Shan kullan oo uu ka hortagay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR