Neymar iyo Mbappe oo hooggaaminaya 10-ciyaaryahan oo ay Real Madrid usoo qaadan karto bedelak Ronaldo!

Laacibka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhameystiray heshiis uu Juventus ugu biiray 112-million oo Euro, sidaas darteed waxaa lasoo xarriiqay 10-ciyaaryahan kuwaas oo ay Real Madrid usoo qaadan doonto bedelkiisa.

10- Cristian Pulisic oo garabka ugu ciyaara Borussia Dortmund ayaa liiskan kasoo muuqday, sidoo kale booska khadka dhexe ee weerar caawiyaha ayuu ka ciyaaraa.

9- khadka dhexe laacibka uga ciyaara SS Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic  ayaa kasoo muuqday liiskan, iyagoo si adag ugu hardami doona Manchester United.

8- Weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala ayaa ka mid ah, waxaana Los Blanocs ay dooneysaa da’yarkan inay ka dhigto gool-dhaliyaheeda xiga.

7- Laacibka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku jira kaasoo Real Madrid ay muddo baadi goobeysay, waxaana uu noqon karaa gool dhaliye la isku hubo.

6- Harry Kane ayaa noqon kara mid kale oo bedel u noqda Ronaldo, inkastoo uu dhowaan heshiis waqti dheer ah u saxiixay Tottenham, haddane Los Blancos ayaa si aad ah u xiiseynaysa gooldhaliyahan 24-jirka ah.

5- Kabtan-ka Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa kusoo baxay gooldhaliye laga baqo isagoo shiishka Real Madrid saaran muddo, waxaana uu ku jiraa ciyaatoyda laga yaabo inay bedelaan Ronaldo.

4- Hooggaamiyaha Poland ee Robert Lewandowski ayaa ka mid ah weeraryahannada sida aadka ah loola xiriirinayo Real Madrid isagoo kooxdiisa Bayern u sheegay inuu doonayo ka tegitaanka Allianze Arena.

3- Xiddigga Chelsea ee Eden Hazard ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu dhow ee Los Blancos dooneyso inay bedel kaga dhigto Cristiano, xilli wararka qaar ay sheegayaan in Numberka 7-aad meel loo dhigay.

2- Kylian Mbappe ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad, iyadoo ay jirto in PSG laacibkeeda iska iibiso si ay isula ekeysiiso dhaqaalaheeda, waxaana uu diiradda u saaranyahay kooxda reer Spain oo aad ula dhacsan qaab ciyaareedka 19-jirkan.

1- Laacibka ugu hadal heynta badan ee bedeli kara Ronaldo waa Neymar Jr kaasoo xagaagii hor PSG kaga biiray dhanka Barcelona, waxaana 26-jirka reer Brazil uu yahay dookha koowaad ee Real Madrid iyadoo durba bilawday ka shaqeynta sidii laacibkan ay usoo qaadan lahayd.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR