Neymar Jr Oo Hadda Isha Ku Haya Ku Biiridda Manchester United Kaddib Markii Uu Ogaaday In Real Madrid Ay……?

Neymar waxa uu doonayaa in uu ku biiro Manchester United kaddib markii ay Real Madrid hoos u dhigtay xiisihii ay u qabtay.

Laacibka reer Brazil waxaa lagu wadaa in uu ka tago PSG iyada oo la saadaalinayo in ay saxiixiisa ku dagaalami doonaan Manchester United iyo Real Madrid.

Waxaa lagu soo warramayaa in Neymar uu wali qiimeenayo ka tagidda Parc des Princes isaga oo xagaagii hore uun kaga soo biiray Barcelona.

United waxaa ka go’an xoojinta safkeeda xilli uu Jose Mourinho doonayo in uu la loolamo Manchester City kal dambe.

Hadda, majaladda Don Balon waxa ay sheegeysaa in Neymar uu daneenayo ku biiridda Old Trafford.

Taas waxaa la sheegay in ay ugu wacan tahay kaddib markii ay Real Madrid hoos u dhigtay xiisihii ay u haysay.

Los Blancos ayaa mar walba loo arkayey in ay hoggaamineyso dhinacyada raadinaya Neymar.

Madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa la qabaa in uu aad u daneeyo 26 jirka isaga oo raadin jiray ilaa iyo waqtigiisii Santos.

Waxaa la filayaa in Real Madrid safkeeda dhinto waxaaa sida la fahansan yahay daaqadda ka bixi doona Gareth Bale iyo Karim Benzema.

Laakiin Don Balon waxa ay qoreysaa in aysan xiiso u qabin Neymar.

Taas waxa ay u gogol xaari kartaa in Mancehster United ay hesho saxiixa 26 jirka reer Brazil.

Jose Mourinho waxa uu sheegay in uusan la soo saxiiixan doonin weeraryahan oo uu ku qanacsan yahay kuwo uu hadda haysto.

Hase ahaatee, taasi wey is bedeli kartaa maadaa ay hubaal la’aan ka jirto mustaqbalka Marcus Rashford iyo  Anthony Martial.

Waxaa la sheegay in Rashford uusan ku faraxsaneyn fursad yarida ka haysata safka kowaad.

Anthony Martial oo ay xiiseeneyso Juventus ayaa isna laga yaabaa in uu tago.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR