Neymar Junior Oo Dib Uga Sheekeeyay Wixii Dhexmaray Isaga Iyo Cavani Markii Ay Rigoorada Isku Qabsadeen & Sidii Lagu Xaliyay Arrinkooda.

Shan bilood kadib dhacdadii caanka noqotay ee is qab-qabsigii Neymar Jr iyo Edinson Cavani ayaa dib loo furay iyadoo xiddiga reer Brazil uu daaha ka qaaday iney isaga iyo saaxiibkiis ku murmeen gool ku laadka.

Neymar wuxuu doonayay inuu rigoore ka qaato Cavani kaas oo ku xisaabtamayay inuu helo gunooyinka dulsaaran goolashiisa, waxaana halkaas ka dhacay is qab-qabsi xitaa la sheegay inuu gaaray qolka labiska.

“Dadka waxey ka hadleen arinkaan in ka badan sida uu dhab ahaan ahaa, inkastoo ay run tahay iney xiisad iyo jahawareer na dhexmaray aniga iyo Cavani” ayuu yiri Neymar oo la hadlayay TV Globo.

“Balse wax walba si dhakhso ah ayaa loo xaliyay’

“Sadex maalmood kadib wixii dhacay waan ka fariisanay waana ka wada hadalnay, waxaana arimahaas u xalinay iyadoo aysan qofna nasoo dhexgalin” ayuu mar kale yiri Neymar.

Dhanka kale Neymar wuxuu niyadda ugu dhisay jamaahiirta Brazil inuu soo laaban doono bartamaha bisha May ee soo aadan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR