Neymar Oo Ka Faalooday Sheeko Qalbi Taabasho Leh Oo Dhexmartay Isaga Iyo Lionel Messi

Neymar waxa uu ka warramay sida Lionel Messi u garab taagnaa waqtigiisii Barcelona.

Laacibka PSG waxa uu Barcelona uga soo tagay Santos 2013 iyaga oo ku soo qaatay £48.6m.

Weeraryahanka durba caan ayuu ka noqday Camp Nou isaga oo is fahan weerar la sameeyey dilaayaashii loo bixiyey MSN oo ay ku mideysnaayeen Messi Suarez iyo isaga.

Laakiin waxa ay u muuqtaa dhawrkisii toddobaad ee ugu horreeyey in xiddigga Paris Saint-Germain ee hadda dunida ugu qaalisan in uu la qabsan waayey.

Nasiib wanaag waxaa mar walba garab taagnaa oo talo siin jiray laacibka lagu murmi karo in uu yahay kii abid ugu wanaagsanaa ee dunida soo mara, Lionel Messi.

“Isaga [Lionel Messi] waxa uu arkay in aan qeyb ahaan ooyaye maxaa yeelay wax wanaagsan ma sameyn bilowgii,” ayuu Neymar yiri.

“Messi waxa uu arkay in aan murugeysanahay waxa uuna bilaabay in uu ila hadlo. ‘Waa in aad ahaado qofka aad tahay. Kubaddaada cayaar oo yaan lagu baqdin galin,” ayuu yiri.

“Jeclow ama ha Jeclaan, in aad la cayaarto laacibiin badan dib ayey kuu celineysaa. Wey ku ceebeeneysaa.

“Kaddib markii aan la hadlay waxaan bilaabay in aan fasaxo, oo aan muujiyo kubaddeyda cagta kalsoonina helo.

“Waxa ay ahayd markii aan nastay, helay farxadeyda oo ay bilaabatay saaxiibtinimadeena weyn.”

Neymar xagaagii hore ayuu ka tgay Barcelona isaga oo £198m ugu biiray Paris Saint – Germain.

PSG waxa ay hadda ku dhawdahay hanashada Ligue 1 laakiin ma hubto in Neymar u sii dheeli doono xilliciyaareedka dambe.

Neymar waxa uu xaqiijiyey in uu taam u yahay koobka aduunka waxaana suurtagal ah in uu qeyb ka qaato kulamada ugu dambeeya ee ay PSG xilli ciyaareedkan dheeli doonto.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR