Neymar Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Fashilkii Uu Ku Fashilmay In Uu Ku Biiro Barcelona, Balan Qaadna Sameeyay

Neymar ayaa ku soo laabtay shaxda kooxda PSG markii ugu horaysay kadib markii uu fashilmay heshiikii uu ugu biirayay kooxda Barcelona intii uu furnaa suuqii xagaaga ee xidhmay bilowgii bishan.

Inkasta oo uu ku soo laabtay shaxda PSG hadana xiddiga reer Brazil ayaa qirtay in ay cid walba ogayd n uu doonayay in uu isaga tago kooxda PSG Xxagaagan isaga oo saxaafada la hadlay kadib kulankii Strasbourg.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay goolka ay PSG kaga badisay kooxda Strasbourg isaga oo gool qurux badan u dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta gacantana u galiyay 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Goolka ayaa yimid kadib markii ay taageerayaasha PSG ku oriyeen Neymar sababla xidhiidha rabitaankii uu doonayay in uu isaga tago kooxda suuqii xagaagan.

“Waan Fahamsanahay taageerayaasha, waan ogahay in ay ku adagtahay”ayuu Neymar u sheegay saxaafada.

“Laakiin haatan horay ayaan uga soconaynaa, waxa aan ahay xiddiga PSG ah umana hayo wax fariin khaas ah”.

“Waan la qabsaday in la igu oriyo xirfadayda oo dhan, laakiin haatan kulan walba waxa uu iila mid noqon doonaa mid aan ku ciyaarayo garoon marti ah, qof walba wuu ogaa in aan doonayay in aan ka tago kooxda”.

“Ma doonayo in aan si qoto dheer uga hadlo wixii dhacay wadahaladada dhexdooda laakiin qof walba wuu ogyahay waxa uu sameeyay wakhtigaas waxana la gaadhay wakhtigii laga soo gudbi lahaa, haatan waxa aan ahay xiddig PSG ah kooxdana waxa aan u qaban doonaa wax walba oo awoodayda ah”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR