Neymar, Rice, Koulibaly, Solskjaer, Dier, Mourinh, Batshuayi & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Kooxda Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham ee Declan Ric, iyo daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Goal).

Man United ayaa diyaar u ah in ay tababare Solskjaer siiso wakhti ku filan si uu dhanka kale ugu rogo kooxda kadib sidii xumayd ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan (Telegraph).

Laakiin warar kale ayaa sheegaya in ay Red Devils shaqada ka caydhin doonto tababaraha hadii ay Red Devils guuldaro kala kulanto Norwich City dhamaadka bishan (Sun).

Man United aya tababaraha kooxda RB Leipzing ee Julian Nagelsmann u calaamadsatay badalka tababare Solskjaer (Mail).

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Tottenham hadii shaqada laga caydhiyo Mauricio Pochettino (Mail).

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in uu isaga tagi doono kooxda hadii ayna kooxdu qaab ciyaareed fiican soo bandhigin bilaha soo socda (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal amaahdana uga maqan Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa doonaya in uu si toos ah ugu biiro Arsenal (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa heshiis cusub u soo bandhigi doonta saxiixa Goolhayeheeda 1-aad ee Marc-Andre ter Stegen (Marca).

Lionel Messi ayaa qirtay in uu si weyn uga wal-walsanaa in uu Neymar ku biiro kooxda Real Madrid suuqii xagaaga (El Chiringuito).

Kooxda Chelsea ayaa si Lama filaan ah u qorshaynaysa in ay dalab 210 milyan ah xagaaga ku dalbato xiddiga kooxda PSG ee Neymar (Don Balon).

Xiddiga garabka uga ciyaara Kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa albaabka u furay in uu ku biiro horyaalka Serie A-da (Times).

Kooxda Crystal Palace ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Michy Batshuay (Daily Express).

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR