Neymer Jr Oo Ka Hadlay Haddii Uu Mustaqbalka U Dhaqaaqi Karo Premier League.

Weeraryahanka heerka caalami ee reer Brazil ayaa maalmihii u danbeeyay lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqayo kooxdiisa Paris Saint Germain.

Neymer Jr oo lacagtii ugu qaalisanayd ee ciyaaryahan lagu biibsado taariikhda kubadda cagta aya doonaya in uu isaga dhaqaaqo horyaalka France.

Weeraryahankan heerka caalami ee reer France ayaa la hadal hayay in uu dib ugu laaban karo kooxdiisi hore ee Barcelona.

Dhanka kale Neymer Jr ayaa sidoo kale xiisa ka helayay kooxda uu maamulo tababare Pep Guardiola taas oo diyaar u ah in ay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiksa xidiga.

Si kastaba ha ahaatee, hilinka Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in uu Neymer Jr irdaha u furay u dhaqaaqista Premier League, isaga oo tilmaamay in uu waqti kamid ah xirafaddiisa ka ciyaari dooni horyaalka ugu xiisaha badan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR