Nin Ajnabi ah oo noqonaya Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii August ee sanadkii 2018-kii shaacisay in jagada Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay banaan tahay una tartami karaan Soomaali iyo Ajaanib.

Wixii xilligaas ka dambeeyay jagadaas banaan waxaa codsaday 150 Qof oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, waxaana laga soo xulay (Shortlisted),16 qof, wareysigii waxaa ka soo gudbay 7 qof oo ay saddex Ajaanib tahay, 4na Muwaadiniin Soomaali ah yihiin.

Ugu dambeyna waxaa shaqadii ku guuleystay Nigel Roberts, oo ah Nin Ajnabi ah kana mid ah saddexdii qof ee ka midka ahayd 7-dii qof ee ugu dambeyn isu timid.

Nigel Roberts, waxaa uu u dhashay dalka UK, waxaa uu sanadkii 1981-dii ku biiray Bangiga Adduunka, waxaa uu ka shaqeynayay qaybta Dhaqaalaha Beeraha (Agricultural Economist).

Waxaa uu la taliye Bangiga adduunka uga noqday arrimaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Myanmar, Falastiin, Lebonan.

Waxaa uu muddo ku noolaa kana shaqeyn jiray dalalka kala ah, Thailand, Kenya, Ethiopia, iyo Nepal, inta badan waxaa uu ka ahaa agaasime ama la taliye, waxaana uu in ka badan 40 Sano ku jiray arrimaha dhaqaalaha iyo Beeraha, Shahaaddada dhaqaalaha Beeraha waxaa uu ka qaatay Jaamacadda Reading University ee Dalka UK.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeer oggolaanaya in Bangiga dhexe ee dalka uu Guddoomiye ka noqon karo qof Ajnabi ah, waxaa lagu waday in maanta uu Golaha shacabka ka doodo xeerkaas, hayeeshee kulanka ayaa dib u dhacay, waxaana lagu wadaa in ay meel mariyaan 14-ka Bishan oo Golaha shacabka loo ballamiyay in ay isu imaadaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR