NISA: Hay’ad qaran, mise hay’ad dhaqameed? (Q.3)

Qaybta 3-aad, halkan ka aqri qeybtii 2-aad

Intaan u gudbin qaybtii 3aad ee taxanaha qaraalkayga, waxaa ila habboonaatay inaan talo ku darsado khaladaad aan la dhuuxin lagana fiirsan ee Nabad Sugidda Somaaliyeed horey gashay sanooyinkii u dambeeyey kuwasoo ay ka mid ahaayeen kuwii loo aanaynayey inay u horseedeen hoos u dhaca hawlihii loo igmaday kaddibna, sida la wada xusuusan yahay, u horseeday burburka ciidanka. Haddaan si kooban uga faallodo, khaladaaskaas waxaa ugu darnaa markii ciidanka lagu soo biiriyey xubno aan haba yaraatee ku habboonayn inay shaqadaas qabtaan iyagoo lagu keenay codsi ama rabitaan shaqsiyadeed  si loo raali geliyo, kuwaasoo qaarkood ku yimid hab qabiil. Tan kale, sanooyinkii u dambeeyey ciidanku wuxuu la baraarugay inuu isu beddelay hay’ad loo adeegsado in lagu raali geliyo ama lagu fuliyo dano siyaadeed, sida haatan uu isku beddelay ciidanka. Qodobbadaasi oo dhan waxaa ka sii daray markii jiritaanka hay’adda ciidanku ku xirnaado  dawlad shisheeye.

Burburkii ciidanka ee dhamaadkii  1991kii, inkastoo aan dalka ka dhoofay, haddana waxaan isku taxluujiyey kuna dadaalay inaanu go’in xiriirkii aan la lahaa ciidanka, hase yeeshee nasiib darro wuxuu noqday hal bacad lagu lisay, aakhirkiina ii soo baxday in hay’addu ku dambaysay mid laga weeciyay hawlahii lagu yiqiinnay hay’ad sirdoon. Haddaba, madaxda qaranka, waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa in xoogga saarto qodobbada hoos xusan, waa haddii ay ka go’an tahay in qaranka (dal iyo dad) la badbaadiyo, taasoo hubaal ah inay hanan doonto kalsoonida shacabka:

  1. In hay’adda lagu soo celiyo Dalladda Qaranka (Nation Umbrella). Waxyaalaha lagu garto qaran waxaa ka mid ah inuu leeyahay dhul, calan iyo astaan. Haddaad fiiriso astaanta Hay’adda Sirdoonka, waxaa kuu soo baxaysa in dawlad shesheeye leedahay, waayo waxaa ku qoran luqad shisheeye, aaway luqaddii Ummadda Somaaliyeed oo hirgelinta qaraalkeeda juhdi badan loo soo maray. Arrintani gaar uma aha NSS-ta ee waxay noqotay mid guud oo cudurdaar u noqoto maaligelin mashaariic shisheeye. Sida aad la socotaan, hirgelinta qoraalka luqadda soomaaliyee ka hor, magaca rasmiga ah ee ciidanka sirdoonka Soomaaliyeed wuxuu ahaa “National Security Service” oo marka la soo gaabiyo ahayd NSS. Waxaan xusuustaa dhibka aan kala kulannay inaan la beddelin laysna waafajiyo magacaas, markii dambena laysku raacay in loo beddelo Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS).
  2. In hoggaanka ciidanka ay noqdaan shakhsiyaad xirfad waayo aragnimo u leh hawlahaha sirdoonka ee aan loo magacaabin shakhsiyaad meeshii la doono laga keeno ama weligood shaqaale dawladeed soo noqon , qoortana loo geliyo mas’uuliyad ayan ka soo bixi karin kuna fashilmaan, waxaa taasi ka sii daran inay dhacday in dib loo magacaabay madax hore ugu fashilmay xilkaas. Waxaan ogsoonahay inay dalka gudihiisa iyo dibeddeba ku nool yihiin saraakiishii iyo ciidankii aasaasay hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed, xirfad iyo khibrad toona u baahnayn oo si toos ah shaqada u qaban karaan.
  3. Magacaabidda xilalka kala duwan ee hay’addu waa inay ku salaysnaataa mid loogu xushay xirfad iyo khibrad ee aan loo eegin habka foosha xun ee ku saleysan qabiilka. Ma jecli inaan tusaale ahaan u soo qaato, hase yeeshee si aan fikraddeyda si habboon ugu cabbiro, tan iyo aasaaskii NSS ilaa burburkii dawladdii dhexe, waxaa hay’addaas hoggaanka u soo qabtay 3 taliye iyadoo aan loo eegin reeraha ay ka soo jeedaan, walow ay meel ka soo wada jeedeen, cidna shaki ma gelin. Tan iyo waagaas immisa Taliye ayey yeelatay Hay’addu? Waa in laga gudbaa dhaqannada foosha xun ee la caadaystay ee ah in qabiil uu la soo shir tago: Annagu haddaan reer Laba Indhoodle nahay, waxaan doonaynaa in nala siiyo 2 wasiir, 3 Jeneral, 2 Safiir, Taliye ciidan iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan dhowr jeer maqlay ereyada ah “Haddaan reer Timo Jilic nahay, dawladda kalsoonidii waan kala noqonnay”. Sidaasi dawladnimo laguma noqdo, qaranna laguma hoggaamin karo. Dhisidda Qaran aad bay u adag tahay maalinna laguma hirgelin karo laakin burburinteeda aad ayey u sahlan tahay.
  4. Sidaa hore u sheegay, Hay’adda Sirdoonku waa wadnaha uu qaranku ku nool yahay, waxaana ogsoonahay in haddii wadnuhu martigeliyo dhiig aan saafi ahayn, waxaa hubaal ah inuusan raagayn.
  5. Soomaali waxay hore u tiri: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tegi jirin ayaa taga”. Waxaan xusuustaa in Hay’addu ay subax walba madaxda qaranka u gudbin jirtay warbixin maalmeed “Daily Report” oo ka tajumaysa xaaladda uu waddanku ku sugan yahay 24kii saac ee tagay marka laga eego dhan kasta. Tusaale ahaan, waxaa qodobbada warbixinta ka mid ahaa la socodka marxaladaha maciishadda iyo guuxa dadweynaha. Waxaan shaki ku jrin in maanta arrimahaasi yihiin kuwo dhalanteed ah (Utopia).
  6. Markaan sanooyin badan ugu kuurgalay musiibadaha kala duwan oo qaranka ku habsaday, waxaa ii soo baxday in qaranku (Dal iyo Dad) ku socdo god halis ah oo haddaan degdeg wax looga qaban ay adkaan doonto in dib looga soo noqdo. Waxaa hubaal ah in taariikhdu qori doonto qof kasta dhibka ama halaagga uu u horseedo dalkiisa iyo daldkiisa intaba.
  7. Hay’adda Sirdoonku waxay u baahan tahay isbeddel xagjir ah (Radical Change) ee uma baahna isbeddel hoggaan oo keliya, xitaa haddii ay dantu kallifto in la qaato go’aan adag (Unpopular Decision), si loo saxo khaladaadka ka dhex jira. La soco qaybaha xiga

W/Q: Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR