NISA: Hay’ad qaran, mise hay’ad dhaqameed? (Q.6)

Qeybtii 6-aad Halkan ka aqriso qeybihii hore

Inta aan u gudbin taxanaha qaraalladayda la xiriira cinwaanka kor ku xusan, waxaan garowasaday inaad ka jawaabo su’aal uu e-mail iigu soo weydiiyey  qof, kaddib markii uu boggaan Caasimada ka akhristay qoraalladayda. Su’aashu waxay ku saabsanayd sababta qoraalladayda ay ku cabbiran yihiin ciidanka sirdoodka Soomaaliyeed oo keliya?. Sidaan hore ugu sheegay qoraalladii ugu horreeyey, anigu waxaan ka mid ahaa shakhsiyaadkii nasiibka u helay inuu dhidibbada u aasaan korna u soo qaadaan waxtarka iyo tayada ciidankaas sharafta mutaystay kana mid ahaa ilaa burburkii dawladdii dhexe 1991kii. Waxaan aaminsanahay inaan xaq u leeyahay isla markaana waajib igu tahay inaan hay’addaas ka warramo, intii aan afka la geli lahaa hay’ad ama arrimo kale. Sidaad la socotaan, soomaalidu waxay ku soo koobnaatay wariye siyaasiah, heesaa, siyaasi aan sal lahayn, xirfadahaasoo runtii xushmad iga wada mudan yihiin. Qof haddii uu faraha la galo inuu ka faalloodo arrimo uusan wax ka ogayn wuxuu ku dhacayaa siriq wax u dhimaayso dadka xirfadahaas aqoonta u leh si hufanna u guta hawlahooda. Sidaa awgeed, waxaan door biday inaan faraha la gelin arrimo aan awood iyo aqoon u lahayn inaan ka hadlo, haddii kale kuwaas warxumo tashiilka ah ee aan kor ku soo sheegay ayaa la jaal noqonayaa.

NSS-tu, kuma mutaysan kalsoonida shacabka iyo inay yeelato saddex taliye oo weliba kan saddexaad loo magcaabay, Allaha u naxariistee Gen. Aadan Jaamac Cirday, dhowr bilood burburkii ka hor, ee waxay ahayd hay’ad hoy siisay ciidan isku duuban, qabiil ka caagan, meel sare ka gaaray heerka xirfadaha ay u baahnayd, kana baxsan in shacabku ka dhowrayo caddaalad, sinaan iyo inay gaashaan u noqdaan falalka cadowga qaranka. Sanooyinkii u dambeeyay, waxaan marqaati ka ahaa, intii maanta noolna oo ciidanka ka tirsanaa dafiri karin, in dhowr saraakiil iyo saraakiil ciidan oo fara ku tiris ah ay mutaysteen ciqaabooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayaan ruqso, beddel iyo hal darajo oo gadaal loorgu celiyey, kaddib makii ay ku caddaadeen dembiyo la xiriira anshax-xumo, ku takrifal awoodeed, amardiiddo, baraxayn kiisas dembiyeed, qiyaano qaran (la-xiriir shisheeye) iwm. Waxaad marqaati iga tihiin in maanta dembiyada qaranka laga tirtiray falalkaas noocaas oo dhan, dhacdayna in qaar badan oo aan halkan ku cayimi karin, lagu abaalmariyey darajooyin sare oo xasaasi ah. Falsafadda saliimka ah waxay qeexaysaa in markaad rabto inaad qiimayso marxaladda aad joogto waxaa habboon inaad dib u eegto marxaladdii aad soo dhaaftay, sidoo kale markaad doonayso inaad deristo mustaqbalka waxaa lama huraan ah  inaad qiimeyso marxaladda aad markaa ku sugan tahay si aad ugu cabbirato mustaqbalka. Haddaba, haddaad dib ugu lafa gurtaan sooyaalka, ma ii sheegi kartiin siyaasi wax-qabadkiisa ku saleeyey habraaca aan kor ku xusay?. Waxaan soo aragnay haddana u jeednaa in qofkii xukun qabta, isagoon isku taxluujin maxaa la soo qabtay maxaase hadda la haystaa, wuxuu la imaanayaa fikrad isaga u gaar ah danooyin kala geddisanna dabada ku wata, waxaana laga dhaxlayaa “Jugjug meshaada joog”.

Culimaada caafimaadka ee dunida waxay isku waafaqeen in madax-xanuunka (headache) iyo xumadda ama febbraha (fever) ayan ahayn cudur, hase yeeshee lagu tilmaamay digniinno ah (alarm) kana tarjumaya in wax qaldan yihiin. Tusaale ahaan, haddii ay soo wajahaan digniinahaas midkood, looma baahna inaad abbaarto dawo aad ku baabi’iso xanuunka ama ku dejiso xumadda, waayo waa dawayn astaameed (Symptomatic Treatment) waxna ka tarayn cudurka asalka ah ee ku hayo. Haddaba, waa laysku raacsan yahay in qaranku xanuun la tacaalayo oo sabab u noqday burburka uu ku jiro waxna toosi la’ yihiin, hase yeeshee waxaa ayaandarro ah in dawayntiisa loo kaashado oo keliya ka hortagga digniinahaoo keliya. Tusaale, labada cudur ee ugu daran ee qaranka la dagay waa amni-xumida (Insecurity) iyo qabyaaladda (Tribalism). Xalku ma wuxuu noqonayaa in markii qarax meel ka dhaco goobtaas la go’doomiya ama la xiraa mise waa in laysku taxluujiyo sidii looga hortagi lahaa cidda qaraxaa loo abaabushay? Sidoo kale, xal u-helidda qabyaaladdu ma waxaan ku xallinaa in qabiil kasta la raaligeliyaa iyadoo laga baxsan yahay in meel  looga dhacayo caddaaladda iyo sinnaanta? Horumarka waxaa sal u ah Caddaaladda, ilaa inta aan iska indho tiraynana qarannimadu waa naga sii fogaanaysaa. La soco qaybaha xiga

W/Q: Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR