Norway: Nin Muslim ah oo shaqo loogu diiday inuu salaami diiday haweenay

Ninkan oo shaqo aan joogto ahayn ka haystay iskuul hoose oo ku yaalla Oslo ayaa loo diiday inuu shaqada sii wato kadib markii uu salaami diiday qof haweenay ah.

Ninkan oo ah shaqsi diineed kuna jira da’da 40 tameeyada ayaa cabasho ka gudbiyey iskuulka iyo Nav, isagoo xusay in lagu sameeyey faquuq kadib markii loo diiday inuu sii wato shaqada uu iskuulkaas ka hayey oo ahayd kaaliyaha qaybta carruurta lagu hayo xiisadaha kadib (aktivitetskole), sida uu qoray Dagsavisen.

Maamulihii hore ee dugsiga hoose ee Ekeberg, Bente Alfheim ayaa xasuusata kiiskaan oo dhowr jeer laysla soo qaaday.

– Waan u sheegnay in arrintani ahayd dhib, waan u sheegnay in aanan marna akhbalayn. Si kastaba ha ahaatee waxaan u furfurnayn isdhexgal, waxaanan siinay fursad ayey tiri.

Waxay intaas ku dartay in ay horey uga soo cabatay haweenay macalimad ah oo ay iskuulka ka wada shaqaynayeen oo uu ka diiday inuu gacanta ku salaamo

Hoggaamiyaha golaha deegaanka Oslo Raymond Johansen (Ap) ayaa taageeray go’aanka uu iskuulku ku qaatay inaysan u cusboonaysiin kaaliyahaas heshiiskii shaqada. Wuxuu qabaa in la diido salaanta gacanta duruufo la xiriira diin ay tahay wax aan ka suurto galayn inay taageeraan maamulka Oslo.

– Qofku ma awoodi karo inuu ka joogsado taabashada qof kale sababo la xiriira diin markaas lama aqbali karo taas ayuu yiri markale isagoo la hadlayey NRK.

Kiiska ninkaan ayaa la yaal Diskrimineringsnemnda, waxayna u sheegeen Dagsavisen in kiiskaas ay geli doonaan oktobar ayna filayaan inay go’aan ka gaaraan Nofembar.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR