Norwich City Oo Ka Yaabsatay Man City , Guul Ay Mudnaayeen Ayay Ka Gaareen Hantiilayaasha

Ka dib ciyaarad xaraarad laheyd , Norwich City ayaa nasiinada ugu dirtay City 2/1 xili kulankaan uu ka tirsanaa wareegga shanaad ee horyaalka Ingiriiska .

Kubad cajiib ah ayay labada kooxo ciyaareen xilli City ku badneyd kubadda balse Norwich City waxa ay ciyaarayeen kubad geesinimo leh .

Waxa ay Norwich City ku wacnaayeen baasaska iyo in si weyn isugu balaariyaan garoonka xilli daafacoodana uu ahaa mid aad u wacan .

Goolka koowaad ee Norwich City ayaa yimid daqiiqaddii 19-aad waxa uuna goolka ka yimid koorno oo waxaa madaxa ku dhaliyay Mclean .

ka dib goolkaas City weeraro ayay qaaday waliba fursadana waa ay abuurayeen xilli Raheem ay birta gool u diiday xilli taas badalkeeda City mar kale waxaa lagu helay gool labaad oo rogaal celis ahaa waxaana ka dhaliyay Cantwell daqiiqaddii 29-aad .

City inkastoo kubadaha dhisayeen hadana waxa ay dhib ku qabeen in daafaca Norwich ay jiiraan kuwaasi oo ciyaarayay daafac adag oo waliba foojignaa balse ugu dambeyn gool madaxa ahaa ayay heleen waxaana dhaliyay Aguero daqiiqaddii 45-aad ka dib kubad uu soo qafajeeyay Silva .

Run ahaantii, koxoda martida loo ahaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wacan oo kalsooni iyo dhiiranaan ay ka muuqatay

Soo laabashadii , Norwich cadaadis ayay ku bilaabeen waxa ayna daqiiqaddii 48-aad iska qasaariyeen fursad gool xaqiiq aheyd balse waa ay heleen ka dib markii qalad weyn uu sameeyay Otamendi oo kubad laga dafay xilli goosha uu hortaagna waxa ayna ku dhaliyeen gool sedexaad daqiiqadii 51-aad

City si badel u keenaan waxa ay daqiiqaddii 57-aad sameeyeen laba badal iyaga oo soo giliyay De Bruyne oo loo badalay Guendogan halka Jesus-na loo badalay David Silva .

City si waliba ayay u dadaaleen balse Norwich City waxa ay ku guuleysanayeen in durba kubadda ka kala jaraan ayna ku weeraraan rogaal celis ,waxa ayan City daqiiqadii 73-aad soo giliyeen Riyad Mahraz oo loo badalay Bernandio Silva

Si waliba oo ay ahaato ,marka laag yimaado qaladaadka daafaca ka dhacay ee goolasha keenay City ciyaar la daawan karo ayay soo bandhigeen waliab dhamaadkii iyaga ayaa maamulayay ciyaarta .

Dhamaadkii City fisraod xaqiiq ahaa ayaa loo diiday waxaana sidaas sameeyay goolahayahya Norwich City waxa ayna dadaalkooda ku keeneen gool labaad waxaana banaanka ka toogtay Rodrigo daqiiqadii 88-aad ,  ka dib goolkaas City cadaadis ayays aareen Norwich balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo looga badiyay hantiilayaasha

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR