OGOW: Ac Milan Oo Ka Baxdey Heshiiskii AY ADIDAS Kula Jirtey Iyadoona Heshiis la Gartey Shirkadda..(Tolow Waa Tee??)

Sharikadda Malaiyadaha iyo Kabaha Ciyaaraha soo saarta ee Puma iyo Kooxda AC Milan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay gaareen heshiis muddo dheer ah oo dhexmaraya labada dhinac.

Milan ayaa heshiiska Malaiyadaha iyo Kabaha kula jirtay Sharikadda ADIDAS,waxaana Milan ay hadda ku biirtay Kooxaha Arsenal iyo Dortund oo heshiis kula jira sharikadda Puma.

Heshiiska maanta ay kala saxiideen Milan iyo Puma ayaa dhaqan gelaya 1da Bisha July ee sanadkan,waxaana wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan Milan ku ciyaari doontaa agabka ciyaaraha ee ay farsameyso Puma.

Puma waxaa ay la mid tahay Sharikadaha ADIDAS iyo NIKE oo agabka ciyaaraha soo saara,kuwaas oo xiriir la leh Kooxaha ugu tunka weyn Qaaradda Europe.

Sikastaba Heshiiska Malan iyo ADIDAS ayaa dhawaan bur buray sida lagu baahiyay Website-ka Kooxda AC Milan ee Dalka Talyaaniga.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR