OGOW: Maxay Manchester United Ka Tiri Dhaawaca Pogba?? (War Cusub Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa laga yaabaa inuu dhowr isbuuc seego garoomada ka dib markii dhaawac lagu bedelay kulankii xalay ee Basel.

Xiddiga Faransiiska ah oo xirnaa kabtanimada kooxda United ayaa lagu qasbay inuu ka baxo garoonka kulankii UEFA Champions League ee kooxdiisa la ciyaareysay Basel.

Pogba oo 18 daqiiqo kaliya saftay kulanka, waxaa lagu bedelay Marouane Fellaini kaasoo shabaqa soo taabtay ciyaratii Manchester United 3-0 ku badisay Old Trafford.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa u sheegay MUTV: “Ma aqaano waxa dhici kara iyo inta uu la egyahay dhaawaca, waan ogahay inuu yahay dhaawac muruqa ah, inta badan dhaawacyada noocaan ah waxay qaadan karaan dhowr isbuuc ayuu hadalkiisa ku daray Jose Mourinho.

“Weli wax war ah kama helin waaxda caafimaadka kooxda, waxaan qiimeyn doonaa xaaladiisa iyo inta uu maqnaan karo, waxaan heysanaa Herrera, Carrick, Fellaini iyo Matic oo ka ciyaari kara khadka dhaxe ayuu yiri Mourinho.

Manchester United ayaa wajihi doonta kooxda Everton Axada kulan katirsan horyaalka Premier League kaasoo ka dhacaya garoonka Old Trafford.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR