Paulo Dybala oo lagu soo waranayo inuu iska diiday kooxda Inter Milan si uu xagaaga dambe ugu biiro Manchester United.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday kooxda kubadda cagta ee Inter Milan.

Qorshaha Juventus ayaa wuxuu ahaa in Dybala iyo Icarde la isku kala badasho hase yeeshee laacibkaan reer Argentina ayaa iska diiday inuu u wareegsado kooxda Inter Milan wuxuuna ka doorbidayaa u wareegista Horyaalka Premier League siiba kooxda Manchester United oo aad u xiiseyneyso xidigaan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in markii uu furmo suuqa kala iibsiga cayaartoya ay dalab ka gudbin doonto laacibkaan si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xagaaga dambe.

Dybala sababta kale ee ku riixeyso inuu u baqoolo dhankaas iyo Horyaalka Premier League ayaa waxay tahay inuu ka cayaaro saaxiibkiisa Paul Pogba iyagoo markasta saaxiibo aad isugu dhaw ahaa waayahoodii Juventus.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR