Pep Guardiola Oo Kashifay Qaabka Uu U Xalinayo Masiibada Daafac Ee Ku Hubsatay Kooxdiisa

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday qaabka uu u xalin doono masiibada daafac ee ku habsatay kooxdiisa kadib markii uu dhaawac soo gaadhay John Stone.

Dhaawaca soo gaadhay Stones ayaa la macno ah in uu ay Man City haysato kaliya hal daafac oo dhexe xilli ay kooxdu galayso wakhti mashquul ah oo ay ciyaari doonaan koobab badan.

Laakiin Pep Guardiola ayaa sheegay in uu haatanba dajiyay qorshe uu ku maamuli doono dhanka daafaca kooxdiisa todobaadyada soo socda ee tartamada ay kooxdu ciyaari doonto.

“Waa taxadi adag in aan buuxino booska labada daafac laakiin waa mid aan ku qasbanahay in aan samyno”ayuu Guardiola yidhi.

“Fernandinho ayaa ka ciyaari doona waana tartan u fiican xiddig khadka dhexe ah”.

“Waxa aan sidoo kale kor u soo dalici doonaa xiddigaha Eric García Iyo Taylor Bellis Bilaha soo socda”

Dhaawaca Soo Gaadhay Stones ayaa ah midkii 2-aad eek a soo gaadha kooxda Man City kadib daafaca Aymaric Laporte.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR