Pep Guardiola Oo Si Kaftan Ah Xaqiiqo Timahiisa Ku Saabsan Looga Diiwaan Galiyay Premier League & Taageerayaasha Qaar Oo Dood Socon Weysay Ka Keenay.

Pep Guardiola ayaa noqday macalinkii ugu horeeyay ee u dhashay Spain kaas oo hanta horyaalka Premier League, balse sidaas oo kale waxaa loo soo diiwaan galiyay xaqiiqo maad ah walow ay inta badan jamaahiirta kooxda iyo kuwa kalaba ay doodo kala duwan ka keeneen.

Pep Guardiola waa mid aan timo laheyn “Bidaar leh” waxaana lagu sheegay inuu yahay midkii ugu horeyay ee isagoo bidaar leh ku guuleysta horyaalka Premier League, walow dad badan ay soo hadal qabsadeen Claudio Renieri iyo Antonio Conte.

“Pep Guardiola: waa bidaarlihii ugu horeeyay ee hanta Premier League” ayaa lagu qoray shabakadda Givemefootball oo ka mid ah shabakadaha luqadaha qalaad wax ku qora waana xaqiiqo ay si kaftan ah usoo diiwaan galiyeen.

Inta ugu badan dadka muranka ka keenay waxey soo qoreen in Antonio Conte uu bidaar leeyahay, balse marka uu Chelsea u hogaaminayay koobka uu lahaa timo lulanay.

Antonio Conte wuxuu lahaa bidaar balse wuu abuurtay sidaas darteed laguma darin liiska tababarayaasha iyagoo bidaar leh hormarka ka sameeyay horyaalka Premier League.

Macalimiinta bidaarta leh ee horyaalka Premier League ka xamaashay waxaa lagu sheegay 25-tababare, waxaana laga xusi karaa Gianluca Vialli, Martin Jol iyo Sean Dyche.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR