PSG Oo Arin Qariib Ah Samaysay Ka Hor Kulanka Real Madrid Iyo Los Blancos Oo Ay Doorashad Ku Soo Koobeen.


Kooxda PSG ayaa Real Madrid ka xaasiday in ay ku ciyaarto maaliyada cad ee ay kooxda Los Blancos jecel yihiin in ay markastaba ku ciyaaraan, waxayna kooxda reer France samaysay arin layaableh oo aan hore looga baran kooxaha Yurub.

Caadiyan marka ay kooxuhu garoomadooda joogaan waxaa lagu og yahay in ay ku ciyaaraan maaliyadooda kowaad ee ay u samaysteen in ay ku ciyaaraan kulamada xili ciyaareedka oo dhan ee garoonkooda martida loogu yahay laakiin PSG arin qariib ah ayay samaysay.

Kulanka Champions League ee Real Madrid iyo PSG habeen danbe ku dhex mari doona magaalada caasimada Paris waxay kooxda reer France ku ciyaari doontaa maalinta SADDEXAAD ee kooxdeeda taas oo Real Madrid ku qasabtay in ayna ku ciyaari karin garmaantooda cad cadka ah.

Sida ay shaacisay warbaahinta dalka France, kooxda PSG ayaa go’aan lama filaan ah ku gaadhay in ay kulanka Real Madrid ku ciyaarto maaliyadeeda saddexaad oo midabkeedu cadaan yahay, waxayna tani sabab u noqotay in Real Madrid ay ku ciyaari doonto maaliyadeeda martida ee buluuga ah.

Haddii ay PSG ku ciyaari lahayd maaliyada kooxdeeda kowaad ee ay caanka ku tahay, waxay Real Madrid si sahlan ugu ciyaari kari lahayd maaliyada cadaanka ah inkasta oo ay sidoo kale haysatay fursada ah in ay garamaanteeda martida ku ciyaarto.

Laakiin mar haddii ay PSG garoonka ku soo galayso maaliyada kooxdeeda saddexaad ee cadaanka ah, waxaa Real Madrid mamnuuc ka ah in ay maaliyada cadaanka ah ku ciyaarto, waana sababta ay PSG kooxda Zidane ugu qasabtay in ay maaliyada buluuga ah ku ciyaarto.

Kooxaha martida ah waxaa loo ogol yahay in ay ku ciyaari karaan maaliyadooda kowaad ee ay inta ugu badan jecel yihiin laakiin shardiga ku xidhan ayaa ah in ayna isku midab eegayn ama isku dhawayn midabka garamaanta kooxda martida loo yahay.

PSG iyo Real Madrid ayaa wada ciyaari doona kulanka kowaad ee heerka groupyada Champions League iyaga oo markale isku arki doona kulanka Bernabeu waxaana la filayaa in ay noqon doonaan labada kooxood ee kaalinta kowaad iyo labaad ku tartami doona.

Arinta qariibka ah ayaa ah in habeen danbe la arki doono PSG oo ku ciyaaraysa maaliyada cadaanka ah ee ay Real Madrid caanka ku tahay iyo Los Blancos oo ku ciyaaraysa midabka buluuga ah ee ay PSG caanka ku tahay, sababtana PSG ayaa iska leh oo go’aankan qaadatay.

Miyay u arkeen in Real Madrid ay maskax ahaan u fiican tahay marka ay cadaanka ku ciyaarayaan? taasi waa qiyaas aan wali xaqiiq ku dhisnayn balse la tuhmi karo.

Laakiin arinta la qariibsaday ayaa ah in PSG ayna kulanka habeen danbe ee Real Madrid ku ciyaari doonin maaliyadeeda kowaad ee ay caadiyan ku ciyaarto kulamada garoonkeeda, iyada oo go’aankani uu sabab u noqday in kooxda Zidane ayna ku fikirin in ay doorasho u helaan maaliyada cadaanka ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR