PSG oo si xawli ah u dardar gelineysa doonista laacib muhiim u ah Barcelona!

Laacibka kooxda Barcelona khadka dhexe uga ciyaara ee Ivan Rakitic ayaa si aad ah loola xiriiriyay kooxaha Manchester United iyo Juventus, kuwaas oo dhowaanahan hoos u dhigay xiisahooda.

Balse Mundo Deportivo ayaa werrineysa in kooxda reer France ee Monaco iyo Paris Saint-Germain ay hal mar dareenkooda soo siiyeen laacibka reer Croatia.

Barcelona ayaa caqabad ay ku noqon doontaa in naadiga reer France ay usoo gacan qaaddo saxiixa 30-jirkan maadaama uu xubin muhiim ah ka yahay garoonka Camp Nou.

PSG ayaa suuqa ugyu jirta saxiix laacib ka ciyaara khadka dhexe, maadaama uu garoomada macsalaameeyay Thiago Motta, sidoo kalena Adrien Rabiot ayaanan mustaqbalkiisa la hubin.

Xagaagii hore ayay kooxda ka ciyaarta Ligue 1-kq ciyaarta Blaugrana ka qaadatay Neymar oo ay qaabileen lacaga jebinayay qandaraaskiisa, waxaana Rakitic heshiiskiisa hadda lagu jebin karaa €125m.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR