Puntland oo sheegtay inay dishay Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Gobolka Mudug



Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga Puntland, oo kaashanaya Ciidanka Danab ay hawlgal qorshaysan ku dileen, Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, inkastoo aysan shaacin magaca Sarkaalkaasi.

Qoraalka PSF, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay masuuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug, haatanna uu qorshaynayay in uu qaraxyo kale ka fuliyo gudaha Magaalada Gaalkacyo.

PSF ayaa sheegtay inay u mahadcelinayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo oo bixiyay xogta qaar ee sarkaalkaan oo ugu dambeyn la qaarijiyay.

Ciidamada PSF & Danab oo hawlgalkaan iska kaashaday ma aysan sheegin magaca Sarkaalka ay dileen, balse kaliya Warbaahinta ay la wadaageen darajadiisa.

Dhinaca Al Shabaab ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kuna aadan sheegashada PSF Puntland ay ku sheegatay inay dishay sarkaalkii Qaraxyada Gobolka Mudug u qaabilsanaa Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa dhawaan qarax ismiidaamin ah waxa ay ku dileen Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland & qaar ka mid ah illaaladiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR