Puntland oo xirtay Marsada iyo Suuqa Kalluunka ee Dekedda Boosaaso (Akhriso)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda
Puntland ayaa amar deg deg ah ku bixisay in la xiro Marsada Dekedda Boosaaso
iyo Suuqa kalluunka oo ku yaalla Gudaha Dekedda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha
iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in la
xiray Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa Kalluumeysiga.

Wasaaradda Dekadaha Dowladda Puntland ayaa sheegtay in
xiritaan Goobahan looga gol lee yahay Xaqiijinta amniga Dekedda, maadama
Dekedda Magaalada Boosaaso ay tahay xudunta Puntland.

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland.

IDIL NEWS

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR