Qallooca iyo Qaab-darrada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Q.1aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Qallooca iyo Qaab-darrada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska: Qormada 1aad.

Mar aan arday ka ahaa (1997-2005) dugsiyada dawliga ah iyo mar aan bare ka ahaa dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ah (2005-2019), wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waa xarun aan xog-ogaal u ahaa. Haddii ay shaqadu taagnaato halkii laga bilaabay oo ay horumar yeelan weydo, waxa ay noqonaysaa in aad ma-gudbe tahay iyo in aanad la jaanqaadi karin geeddiga hawl-galka?

Raggii aanu isku fasalka ahayn ee gu’gaas 2005ta ku biiray ciidanka qaranku waa saraakiil ay garbaha xilal ugu taxan yihiin, waxa ka mid ah Gaashaanleyaal ka mid ah Hoggaannada ciidanka milatariga Somaliland. Annagana waxa noo arrimiya qolo aan heerkooda aqooneed halkan laga sheegi karin.

Hadba raxlaynta, guul-wadaynta iyo garab-siinta ayuu lagu dallacaa ama lagu daaddegaa. Iyada oo ma-gudbennimadaas aanu iska oggolayn ayay haddana la soo baxday ged kale oo cusub, cabudhin iyo car juuq dheh ayaa soo korodhay. Tan oo aan faahfaahin doono ayaa igaga daran. Qormooyinkii naar naarna, waxa aynu u soo wareejin doonnaa dhinacan haddii Eebbe idmo. Haddii uu doono qof kula mid ahi in uu xuquuqdaada ugu tunto xil uu hayo, saw ma aha inaad xarragada qaadatid…

Nin baa yidhi

“Gedda sacabka loo tumo haddaan, maandhe garanaayo

Garaaddada kuwaa xidhan haddaan, siiyo garab buuxa

Ama guurti culus yeelan-laa, waan gudbi lahaaye

Guul-wadaha mooyee nin kale, gaabis wuu yahaye

Wax gadaasha loo riixayaa, geed-labkoo idile

Garaad iyo aqoonyahanka idil, way garbinayaaye

Gafuurkii intaan taagayuu, guuray aadmigu’e

Gu’gii aan ku biireen cilmiga, gaadhay bariddiisa

Gaashaanle weeyaan raggii, ciidankaa galaye

Gaadhiga halkii aan ka koray, gees umaan bixine”

Wasaaradda waxbarashadu malaha hannaan hufan oo lagu xulo agaasime-waaxeedyada iyo mansabyada kale. Waxa ku xooggan dhabar-taabashada, xigtaysiga iyo qaraaba-kiilka. Hadba sida aad isu ruxdo/jin-dagaagayso ayaa laguugu roonaanayaa. Wasiir kasta oo yimaaddaa waxa uu u gacan-galaa koox dhegta ka qabsata, wax u yeedhisa, waxna ku shubata. Ma ogi wasiir xor ah oo weli wasaaradda hoggaamiye ka noqday.

Hadda waxa Wasiir ka ah Cismaan Jaamac Aadan, waa 70 jir u baahnaa in shaqada laga fadhiisiyo. Haddii lagu doodi lahaa in uu horumarinayo dugsiyada dawladda, waxa uu saami ku leeyahay dugsi gaar ah oo lacag badan lagu dhigto. Dadkuba waxa ay maqleen markii la magacaabay.  Waa nin aan dib-u-dhis, nabadayn iyo geeddiga nololeed aan wax saamayn ah ku lahayn. Ma qalloocdo haddii lagu asteeyo in uu yahay cir-ka-soodhac ama Jug-soo-dhacay. Qof ahaantiisa waxa aan bartay dharaartii xilkan loo cugtay.

Hadba isaga oo Maansoor loo qaaday, lana quraacinayo ayaad arkaysaa.. Miyay jiraan Wasiir iyo Agaasime Guud oo mar qudha quraac ugu baxa hudheel iyada oo gelin hore ah? Hadba isaga oo “fuul gaadhiga” la leeyahay ayaad indhaha saaraysaa. Haddii ay shaqaalaha wasaaraddu u tagaan “U taga agaasimaha guud” buu dhahaa.

Waxa ku dhacay inqilaab aan dhiig ku daadan iyo talo-maroojin goaankii lagaga weecsaday, waa dhibbane magac-u-yaal ah. Haddii xitaa ay dadka qaar filaan in xilalka xukuumaddu yihiin abaal-marin lagu billadeeyo raggii KULMIYE la halgamay 2017ka, isagu waa nin ayaan badan oo aan maalin sacabka u garaacin xisbiga talada haya.

Markii Wasiir Faratoon loo wareejinayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayuu Muuse Biixi yidhi “Miyaad garanaysaa nin oo kaalintaas ka soo bixi kara?”. Faratoon ayaa yidhi “Haa, waa ninka aynu maalintii dhawayd ku darnay Guddida Tacliinta Sare (Higher Education Commision)”. Sida uu Madaxweyne Muuse Biixi u moog yahay abtiyadii, waxa marag u ah in xulashada wasiirka keliya ee ay leeyihiin uu kala tashado ama u wakiisho Wasiir Faratoon.

Ma dadka ayuu illaaway mise dan ayaanu ka lahayn?. Madaxweynaha tan kuma canaanan karo, waanan ka aqbalay qof ahaan. Saw xilka qudha ee ay abtiyadii ka hayeen Xisbiga KULMIYE ma ahayn Guddoomiyaha Golaha Dhexe oo uu Jaamac Shabeel ku magacawnaa? Xilkaasi mee? Miyaa loo beddelay mise waa la dhaafiyay? Hadda yaa haya?

Guulaha keliya ee aan Wasiir Cismaan maanta ku bogaadinayaa waa laba:

1. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka aqbalay in la sii wado dhismaha fooqii laga dhisayay madaarka Cigaal ee Hargeysa, kaas oo laga taagayo dhul laga qaaday dad shacab ah. Haddii dhulkaaga lagaaga qaado in lagu kordhiyo gegada diyaaraha, ma daw baa in nin kale loo gacan-geliyaa?

2. Wasiirka Waxbarashadu waxa uu joojiyay dhisme sifo sharci-darro ah uga socday dugsiga Sheekh Bashiir, haddana gadaal ayuu ka fasaxay. Imaka wuu socdaa! Waxa aan ogaa qiilka lagu hakiyay oo maangal ahaa, ma dhaadin igamana dhaadhicin sababta loo fasaxay.

3. Waxa uu fasaxay dhismeyaal ku yaallay xarunta waxbarashada Galbeedka Maroodijeex oo uu joojiyay Wasiir Faratoon, waxa lagu haystay in ay dhisteen madax ka tirsan waxbarashadu.

Wasiir-ku-xigeenku waa nin aan ku bartay magacaabistiisa, walaw uu gadh-cadde yahay, ma garanayo wax aan ku faalleeyo samaan iyo xumaan. Haa waa Seylici oo kale uun. Ma ku-xigeen ayaa masuuliyadi fuushan tahay?, Waan ka gudbayaa isaga. Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Abokor ayaa ah masuulka leh weedha ugu dambaysa. Waxa uu Siilaanyoobay wasiirkii uu gacan-yaraha u noqon lahaa, awood buuxda ayaana u gacan gashay. Bal xaqal-ciidkii macallimiinta iyo waxa soo gaadhay ayaan mar kale xusi doonaa….

La soco qaybta labaad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR