Qaran, Shacab iyo Baarlabaan la kufsaday:

Waxaan marqaati u nahay dhaqan aan horay loo arag, wax lagu tilmaamana aana jirin.
Dowlad dhinac kasto ugu tumatay dhammaan shuruucdi iyo axdigii u degsanaa Waddanka ayaa qaar Xildhibaano iyo Wasiiro iyo Gudoonka Baarlabaanka raali ugu noqday qaybna ka qateen kufsiga baarlamaanka labadiisa Aqal, Golaha Sharci Dejinta iyo Golaha Guurtada.
Xildhibaanadaan raali ka noqday in Baarlabaanka la kufsado, iyagoo eegaya danahooda gaarka ah iyo faa’iidooyika ay shaqsi ahaan ka heli karaan, waxay sabab u yihiin oo ay la wadaagaan Farmajo iyo Khayre marxaladda maanta ka jirto Soomaaliya, dhibaatada iyo cunnoqabateenta la galiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku nool Gobolka Banaadir iyo kuwa ku nool Jubooyinka, waxay
Farmajo iyo Khayre la wadaagaan dambiyada, xad gudubyada xuquuqul insaanka, dilalka loo adeegsado NISA iyo ciidamada Booliska, isticmaalka Hantida Qaranka oo noqotay mid loo adeegsado musuqmaasuq iyo dambiyada lagalo.
Midda aan maanta marag ka nahay oo ay soomaalidoo idil marag ka tahay waa xaaladda uu maanta Waddanka ku sugan yahay.
Hadii uu jiro Xildhibaan ama wasiir ama shaqsi kasto gabay, ka gaabiyay, dayacay shaqadii Qaranka, qayb ka noqday dambiyada iyo argigixiska ay Farmajo iyo Khayre waddanka ku maamulayaan, Xildhibaanada iyo Wasiirda iyo Shaqsi kasto oo dhaar u maray goortii xilka lagu aaminay in Waddanka uu si daacad ah ugu adeegayo, waa in uu ogaadaa oo ku seexdaa in lagula xisaabtami doono oo aan jiri doonin gaashaan ay ka dhigtaan qabiil iyo jufo
iyo saxiibo, ama ku fikiro looga hari doono in wadamada shisheeye u cararo.
Dowladaan waxay na gaarsiisay heer ay waajib nagu tahay in mas’uul kasto uu kufsado sharuucda iyo Axdiga uu Waddanka leeyahay, iyo mas’uul kasto galo dambi qarameed in waajiib ay tahay in Maxkamadda la hor keeno,
mas’uul kasto waa inuu gartaa, uu fahmaa, ku talo galo in dambiyada uu galo lagula xisaamtamayo.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha Xisbiga BDem.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR