Qarax khasaare geystay oo ciidanka AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho

Qarax miino oo aad u xoogan ayaa duhurnimadii maanta waxaa ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa qabsaday gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Konolyada AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa sheegay qaraxa kadib ciidanka AMISOM inay fureen rasaas fara badan oo cabsi iyo argagax ku abuurray shacabka ka dhawaa aaggaasi.

Khasaare dhaawac ah ayaa ka soo gaaray Laba askari oo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay Miinada ka kacday ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray qeyb ka mid ah Laamiga.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Garas-baaley oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano ku aadan qaraxan, waxayna xaqiijiyeen in dad shacab ah aysan ku waxyeeloobin weerarkan.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah la eegta ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaalaya Deegaanada dhaca duleedka Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR