Qarax labaad oo kadhacay Dhuusamareeb

Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb ,waxaana la sheegay in uu ahaa Qarax lagu diyaariyey Gasac CaanA-Booro oo la Dhigey meel wadada Dhinaceeda ah,isla markaana Ciidamada Booliska ay qarxiyeen.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR