Qareenka Cristiano Ronaldo oo markii koobaad War Saxaafadeed ka soo saaray

Qareenka u doodaya Cayaaryaahnka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo’ ayaa markii koobaad War Saxaafadeed ka soo saaray dacwada Kufsiga ah ee loo haysto Ninkaan uu difaacayo waxaana uu ka hadlay sida dacawadaan ay ku soo bilaabatay heshiisyadii lagaaray waxa keenay in uu dhaco heshiiska labada dhinac ee 2010 iyo sheekooyin kale oo ku saabsan dukumiintiyo uu sheegay in la xaday.

Peter Christiansen oo ah qareenka u doodaya Ronaldo ayaa sheegay in Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee Der Spiegel uu soo bandhigay dukumiintiyo been abuur ah isla Markaana aan sal iyo raad lahayn ayna ogaadeen in ay jiraan dad si gooni ah weerar ugu ah sharafta Xiddiga dalka Portugal.

Qareenka ayaa war Saxaafadeedkiisa ku sheegay in aysan inkiri doonin in uu dhacay heshiis dhex maray 2010 Cristiano Ronaldo iyo Kathryn Mayorga heshiiskaasna micno ahaan aysan ahayn in uu qirsanyahay danbiga loo haysto balse uu galay markii uu latashiyo lasameeyey lataliye yaashiisa iyo qareenadiisa si aan wax loo yeelin sharafta Xiddigaan oo markaa heshiis lagalay Real Madrid.

Sidoo kale qareenka Ronaldo ayaa sheegay in dukuumintiayada lagu daabacay Warbaahinta ee uu kujiro magaca Mr Ronaldo ay calaamad u tahay wixii dhacay Sanadkii 2015 markaas oo la dhacay ama lajabsaday sir badan oo kujirtey Kumbuyuutaro qaarada yurub yaaley kuwaas oo ay lahaayeen dad gaar ah iyo dowladu dukumiintayadaas oo aan aragnay ayuu yiri iyaga oo sidoo dii loosoo daabacay ama wax iyaga oo laga badalay kan lasheeganaya kuwaas ayuu lamid yahay sidaa waxaa yiri Peter Christiansen oo ah qareenka Ronaldo ka difaacaya dacwada loo haysto.

Waxaa kaloo jira in qareenka Ronaldo uu sheegay in magaca uu leeyahay iyo lacagta uu haysto ay qayb weyn ka tahay in la buun buuniyo wax yaabo been ah oo lagu sharaf dilayo Xiddigaan isaga oo si gooni ah weerar ugu qaaday Warbaahinta iyo dad si gooni u isticmaala baraha bulshada sida uu sheegay waana sii wadi doonaan ayuu hadalkiisa sii raaciyey qareenka difaacaya Ronaldo.

Cristiano Ronaldo’ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafay bartanka kaga jirey xaalad jah wareer ah kadib markii Gabar lagu magacaabo Kathryn Mayorga’oo u dhalatay dalka Maraykanka ay ku eedeysey in uu kufsaday sanadkii 2009 xiligaas oo ay kusugnaayeen Magaalada Las Vegas balse Ronaldo ayaa ,markasta si kulu u beenanayey dacawada lagu soo oogey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR