Qiimeynta Shanta Saxiix Ee Ugu Waa Weyn Ee La Hadal-hayo Maanta & Suurtogalnimada Ay Ku Dhameystirmi Karaan


Iyadoo suuqa kala iibsiga uu kululaanayo, waxaan idiin soo gudbineynaa, qiimeyn lagu sameeyay xanta ugu weyn suuqa iyo suurtogalnimadanuu heshiis walba ku dhici doono.

B/R Football oo xog badan u heysa suuqa kala iibsiga ayaa qiimeysay shanta xan ee ugu waa weyn suuqa kala iibsiga iyo suurtogalnimadooda ay ku dhici karaan.

Ujeedadu waxay tahay inay akhristayaasha ogaadaan saxiixyada lagu dhow yahay dhameystirkooda iyo kuwa weli xan uun ku eg.

Waxaan eegeynaa maanta shanta heshiis ee la hadal-hayo maanta, waxaan ka bilaabeynaa Old Trafford.

Romelu Lukaku oo ku sii jeeda Inter Milan (5/5)

Weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku ayaa durbaba heshiis shaqsi ah la galay Inter, laakiin kooxda Talyaaniga ayaa marka hore u baahan inay iibisi Mauro Icardi.

Aaron Wan-Bissaka oo ku biiraya Man United (4/5)

Daafaca Crystal Palace Wan-Bissaka waa xiddig da’ yar oo hami leh, waxaana uu doonayaa in heshiiskiisa Man United in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhameystiro.

Hirving Lozano oo lala xiriirinayo Napoli (3/5)

Napoli ayaa u baahan inay iska hubiso taam ahaanshaha xiddiga kooxda PSV Eindhoven ka hor inta aysan u dhaqaaqin saxiixiisa.

Hakim Ziyech miyuu aadayaa Arsenal? (2/5)

Baahida ay Arsenak u qabto inay ciyaarsiiso xiddigeeda ugu mushaharka badan Mesut Ozil ayaa xadidi kara heshiiska ay ku doonayaan xiddiga kooxda Ajax.

Nabil Fekir iyo Liverpool (0/5)

Sida B/R Football ay sheegtay ma jiraan wax wadahadal cusub ah oo ku saabsan saxiixa xiddiga kooxda Lyon Fekir. Waxay sheegeen in albaabkaan uu weli xiran hahay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR