Qiso kale oo Soomaaliya ka dhacday: Nin dhalinyaro ah oo dilay adeerkiis oo meher xaday hooyadiis

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Soomaaliya ayaa waxaa mar kale ka dhacay Qiso kale oo dareen kala duwan ku dhex reebtay Bulshada Soomaaliyeed.

Nin Soomaali ah ayaa wuxuu dilay Nin meher xaday Hooydiis oo Garoob aheyd, iyadoo arrintaas ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay dil ka dhacay degaanka laanbaar oo ku dhaw Dagaari ee Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano dilkaasi,islamarkaana ilaa iyo hadda aysan shaacin karin waxyaabaha keenay dilka.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay wali waddaan baaritaano ayna taageen goobta uu dilku ka dhacay.

Qaar ka mid ah dadka kunool gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid kadib markii nin dhalinyaro ah uu dilay adeerkiis oo meher xaday hooyadiis.

Cabdi Dhoore oo ah ninka la dilay oo ay wada socdaan Marwadiisa ayaa u casuumaad tagay guriga wiilka adeerka uu u yahay, kadib markii ay casheeyeen ayaa waxaa dhacday wiilkii oo careysan inuu halkaasi ku dilay Adeerkii Masaafada la aaday Hooyadiis.

Qisadaan ayaa imaaneyso kadib Bil dhacdadii Murugada laheyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho markaas oo heyb sooc guur loo dilay Nin adeer u ahaa Wiil guursaday Gabar qoyskeeda ay u diideyn.

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanayo dilalka ku saleysan qoyska iyo muranada, waxayna arrintaan cabsi weyn ku keentay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR