Quusashadu Qudhna way Jartaa, Qaranna Way Dumisaa (WQ: Dr-Abdikarim D Hassan)

Quusashadu waa dareen taban oo nafta cidhiidhi ku abuura, noloshana dhadhanka ka qaada. Ilaahay (SWT) aayado dhowr ah ayuu inoogaga digay in aynu quusano, isagoo marwalba ina xasuusiya in naxariistiisu aanay xad lahayn. Waxa kale oo uu inna dareensiiyay in dadka ilaahay rumaysani aanay quusan, hasayeeshee kuwa dulmiga falay ee nafahooda ku xad-gudbay ay yihiin kuwa quusta. Hasayeeshee, dareenka quusashada laguma fasiri karo aragti diimeed oo keli ah, in qofkasta oo dareenkani lasoo gudboonaadaa uu yahay mid iimaankii ka tegay. Sida culimada cilmiga bulshada iyo saykoolajigu sheegayaan quusashadu waa aafo la abuuri karo, lagana hortagi karo.

Nin qoraa iyo dhakhtar Iskotlaan u dhashay ahaa oo la odhan jiray David Livingstone (1813-1873) ayaa sawir aad u xoog badan ka bixiyay macnaha Quusta. Ninkan oo maray in badan oo ka midd ah wadama galbeedka Afrika xiligii gumaysigu uu dadkooda afduubka ugu daabulaayay ganacsigii adoonsiga ayaa laga qoray buug uu kaga waramayo wixii uu dhulkaa uu tegay kusoo arkay.

Mr Livingstone wuxuu ku yidhi qoraalkiisa “xannuunka ugu khatarsan uguna halista badan ee aan soo arkay wuxuu ahaa Qalbi-jab iyo Quus; waxaanuu ku dhacaa ragga xorta ahaa marka silsilada adoomaynta lagu garbo duubo. Waxa uu qoray isagoo sii sharaxaya wixii uu arkay “ragg badan oo dhawaan lasoo qabtay ayaa degdeg jidhkoodu u madhan jiray oo todobaado gudahood ku dhiman jiray iyadoo aanay ka muuqan wax xannuun ah oo lasheegaa. Marka aan raggaas waydiiyo meesha laga hayo, waxay si toos ah iigu tilmaami jireen wadnaha.. waxay ahayd Qalbi-jab iyo Quus sida waranka wadnahooda wareemaysa”.

Qoraallada ka hadlaya Quusta iyo saamaynteedu aad ayay u badan yihiin, bal si aynu ugu soo dhawaano fikrada maqaalka aynu hoos u eegno kelmada Quus iyo macnaha ay xambaarsan tahay, inagoo uga sii gudbi doona saamaynta Quusashadu ku reebto qofka iyo bulshada.

Afka ingiriiska kelmada quus la macna ah waa Despair. Ereyga despair wuxuu kasoo jeedaa erey Latin ah
(Desperare) oo macnihiisu yahay “down from hope”: rajo beel.

Koox cilmi-baadhayaal maraykan ah (Case & Deaton, 2015) ayaa waxay muddo baadhayeen sababta ragga caddaanka ah, ee aqoontoodu ka hoosayso dugsi sare, kuna xoogsada muruq maalku ay uga cimri gaaban yihiin bulshada inteeda kale. Waxay arkeen in raggani ay u dhintaan inta badan xannuunka beerka ee khamri cabbida xad-dhaafka ahi sababto, waxa kale oo raggan ku badan qudha iska goynta, qoys burburka, kelinimada iyo adeegsiga daroogada.

Cilmi-baadhayaashii waxay curiyeen tilmaan ay ku sawiraan duruufta raggan ay lasoo deristay han-jabka, yididiilo xumada, iyo dhaqaale la’aan cakirani. Waxay dhimasadooda u nisbeeyeen mid quusi keentay “The deaths of despair.” Cilmibaadhayaashaasi waxay hindiseen in quustu qofka dili karto iyagoo cilladana ka dhigay in raggan aqoontooda oo kooban iyo xirfad yaraantooda darteed ay suuqi shaqada la jaan qaadi kari waayeen, sidaa darteedna mustawihii noloshoodu aad hoos ugu dhacay. Arinkani wuxuu ku dhaliyay in ay quustaan.

Ilaa iyo beri dhawayd quusashada waxa laga aaminsanaa in ay ay qayb ka tahay uun xannuunada riiq-dheeraada ee dadka ku dhaca, lamana daraasadayn bal in quustu ku dhici karto bulsho dhan iyo sida ay u saamayn karto hadiiba ay dhacdo. Tobankii sano ee ugu danbeeyay jaamacado badan ayaa maal-geliyay cilmi-baadhis lagu sameeyo Quusashada bulshada; sababaha keena, astaamaha lagu garto, iyo sida loo yaraynkaro.

Waxa kale oo la baadhay sida Quus loo abuuri karo hadii loo baahdo. Cilmi-baadhista la sameeyay oo ay kamid tahay mid ay sameeyeen koox ay hormuud u ahaayeen Lilly Shanahan iyo Annekatrin Steinhoff oo ka howl gala xarunta Jacobs Center for Productive Youth Development oo hoostimaada University of Zurich, Switzerland, ayaa waxay odoroseen in quusashadu ay qofka ka saamayso dhinacyo badan.

Quusashadu waxay saamaysaa garaadka iyo hab-fikirka qofka (Cognition and thought despair), waxay saamaysaa dareenkiisa hoose iyo awoodiisa caadifadeed (Subconscious feeling and emotions), waxay saamaysaa hab-dhaqankiisa (Behavioral despair), waxay kaloo saamaysaa nidaamka saxda ah ee xubnaha kala duwan ee jidhkiisu u shaqeeyo (Biological functions despair) oo ay Khalkhal geliso.
Sidaa darteed, markii afartaa arrimood la qiyaasay saamayn wadareedka ay ku yeeshaan bed-qabka qofka waxa la ogaaday in Quusashadu ay burburiso caafimaad, isla markaasna ay soo koobto cimriga qofka.

Aynu si gaar gaar ah u eegno afartaa dhinac ee quusashadu qofka ka saamayso si mid walba aynu u iftiimino qaybta uu ku leeyahay burburinta nafsiyada aadmiga.

Ugu horayn, quusashadu waxay tashuush gelishaa garaadka iyo fikirka qofka “Cognitive despair”. waxay ka dhigtaa mid uu hadheeyay shaki iyo hubaal la’aan uu mustaqbalka ka qabo. Qofka waxa daboola dareen guul-daro oo aan si toos ah loo astayn karin sababtiisa. Wuxuu isu arkaa in uu fashilmay, waxaa ladh iyo tiiraanyo ku haya isciil-kaanbi iyo is canaanasho aanuu ka dhex bixi Karin. Qofka quustu kaga dhacday nolosha waxa uu ka rajo go’aa waxa soo socda iyo in ay mar uun ka wanaagsanaan doonto.

Arintani waxay sahashaa in qofku ku kaco falal halis ku ah nolosha oo aanu u meel dayin, ama uu si badheedh ah isugu dayo in uu noloshiisa soo afjaro.

Astaamaha “Cognitive despair” waxa ka mid ah in qofku si qaldan u fasiro una fahmo hab-dhaqanka dadka kale oo uu marwalba fahamkiisu ku salaysnaado in isaga duulaan lagu yahay. Taasi waxay qofka ka dhigtaa cudwaani keeb layuurur ah oo aan aqbalin isu tanaasulka.

Xaalad kale oo culimada cilmi-nafsigu u bixiyeen “hyperbolic discounting” ayaa iyana lagu arkaa dadka rajo-gooyay. Xaaladani waxa weeye in qofku buunbuuniyo caqabadaha yaryar ee ka horyimaada isla markaana uu isu muujiyo qof dhib wayn kujira oo ay tahay in lala damqado lana siiyo koolkoolin dheeraad ah.

Quusashadu waxay raadaysaa hab-dhaqanka iyo dabeecada qofka (behavioral despair). Hab-dhaqanka qofku wuxuu noqdaa mid jar iska xoor ah, khatarahana aan ka feejignaan (risky and reckless). Qofku wuxuu caadaystaa dhaqamo khatar gelinaya caafimaadkiisa oo burburinaya naftiisa oo ay ka muuqato in aanu yididiilo fiican ka qabin mustaqbal wanaagsan. Dhaqamadaas waxa ka mid ah balwadaha, jidhka oo la dhaawaco (self-harm), kharash-garayn ka badan dakhligiisa, wax iibsi ay dhiirinayso intusnimo iyo canjilida dabaqadaha sare ee bulshada. dhaqankani waxa uu qofka u horseedi karaa in uu ku dhaco fal-denbiyeedyo culculus, sida lunsiga hantida dadka, dhaca, iyo laaluush qaadashada.
Hab-dhaqan quuseedku waxa uu usoo ifbixi karaa hab sidaa hore ka duwan. Wuxuu dadka qaar ku keenaa tahlid-la’aan iyo tamar daro, yabaal, dareen taageero la’aaneed (helplessness). Waxa qofka la luma in uu dhadhamiyo nolosha inteeda macaan (anhedonia).

Astaamahan aynu soo sheegnay waxa caafimaad ahaan loo yaqaan Sickness behaviors. Dadka khalkhal ku dhaco difaaca jidhkooda ayay astaamahani kasoo daahiraan, taasina waa daliil cadaynaya in Quusashadu ay laciifiso difaaca jidhka.
Quusashadu waxa kale oo ay kasoo ifbixi kartaa habsan u shaqaynta xubnaha jidhka qofka; saamaynta noocan ah waxa la yidhaa “Biological despair”. Xubnaha ugu muhiimsan ee la ogadaay in “Biological despair” saamayso waa qanjidhada sameeya soona daaya hormoonada kala haga shaqada jidhka sida wadnaha, beerka, iyo kelyaha. Qanjidhadani waxay sameeyaan giraan isku xidhan ah oo aan kala maarmin oo aynu ugu yeedhno- hypothalamic-pituitary-adrenal axis. Qanjidhada waxa soo raaca dareen wadayaasha jidhka, gaar ahaan qaybta iskeed u shaqaysa ee Autonomic nervous system iyo sida aynu horey usoo xusnay difaaca jidhka (immune system).

Saamaynta quustu kuma koobna qofka, waxay u gudubtaa bulshada oo dhan. Sababaha ugu cuddoon ee keena quusta bulshooyinka waxa ka midd ah hoos udhac dhaqaale iyo busaarad baahsan, shaqo abuurka oo yaraada, dhismiha qoyska oo burbura, bulshada oo go’doon ka gasha gobolkeeda iyo aduunka inta kale, iyo niyad jab faca korayaa ka qaado in ay mar’uun deegaankooda ku dhabayn doonaan higsigooda nololeed. Bulshadu waa shebakad isku wada xidhan. Duruufaha qalafsan ee qayb kamid ah la soo deristaa waxay sida hirarka mowjadaha ka dayaamisaa dhamaan qaybaha kale.

Aafooyinka dabiiciga ah sida duufaanada, dhul-gariirka, abaaraha iyo xanuunada baahsan hadii aan loo helin qorshe lagaga soo kabto oo dib loogu soo celiyo rajada bulshada waxay keenaan quus iyo foos burbur. Sida ay sheegayso cilmi-baadhis ay samaysan jaamacada Harvard school of economics, aafooyinka dadku sababta u yahay sida dagaalada sokeeye, fadhiidnimada dhaqaalaha (economical stagnation) iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ayaa kasii halis badan aafooyinka dabiiciga ah.

Cilmi-baadhis sanadkii 2017 lagu faafiyay Joornaalka magaca wayn ee Journal of Abnormal child Psychology, magaceeduna yahay “Co-numeration exacerbates stress generation among adolescents with depressive symptoms”, ayaa waxay xoojisay in raadka nafsiga ah ee quustu keentaa ku faafo bulshada afraadeedy xidhiidh adag leeyihiin. Waxa kale oo cilmi-baadhistu tilmaantay in quusta la isugu gudbin karo baraha bulshada, gaar ahaan dhalin yarta; gabdhuhu ha u sii bataane.

Hab kale oo bulshadu quusta u faafin karto ayaa ah adeegsida Isku-dhererinta isku jeelka (Peer Comparisons): waa marka qofku oo isku dhereriyo inta faciisa ah kuwa ugu muuqda si uu u qiimeeyo martabadiisa. Isku-dhererinta isku jeelku waa qaddiyad xoogaysatay oo noqotay cibaaro la derso tobankii sano ee u danbeeyey, fufkeeda waxa loo aannaynayaa in uu fududeeyay baraha bulshadu.

intaas oo dhan waxa dhinac socda arimo la aaminsan yahay in ay yareeyaan quusta oo lagaga hortagi karo in bulshada rajo-beel ku dhaco. Kobcinta wadarnimada, barashada xirfadaha garaadka koriya, fududaynta caqabadaha nolosha, iyo in bulshada loo tilmaamo hirar cusub oo lagu saadaaliyo nolol ka wacan ta markaa la haysto ayaa ka mid ah waxyaalaha lagaga hortagi karo quusashada qofka iyo bulshada. waxa isku raacsan yahay in koboca dhaqaale ee afraada iyo qoyskuba ay yarayso quusashada bulshada.

bulshooyinka ay sarayso in dabaqadaha hoose kor u kacaan (Inter-generational social mobility) ayaa noqday kuwa ugu hooseeya marka la qiimeeyo heerka quusta. tani waxay xoojinaysaa isku xidhnaanta dhaqaale xumada iyo quusashada, gaar ahaan faca soo koraya.

Astaamaha quusashadu si cad oo mugdi ku jirin ayay uga muuqdaan bulshadeena. Hadii si dhow loogu kuur galo xaalada bulshada astaamaha quusta ayaa far waawayn ugu xardhan wajiyada muwaadiniinta. Dareen quusasho ayaa ku soohan fikirkooda oo aad ka dheehan kartaa hab-dhaqankooda.

Waa sababta da’yar noloshu u cusub tahay ay saxaraha iyo badaha isugu miidaaminayaan. Waa sababta in badani ay daroogooyinka qaadka, khamriga iyo maandooriye-yaasha kale ee xad-dhaafay ay u qabatimeen. Waa sababta in badan ka dhigtay cudwaaniyiin budh-laduul ah oo aydaan laba erey is waydaarsan karin.
Dawada quustu waa rajo-abuur iyo in mustaqbalka jiilasha hadda kacaamay iyo kuwa kusoo daba jira loo jid bixiyo.
Dadku waxay u baahan yihiin in rajo ku dhisan maxaa suuro gal ah loo abuuro. Bulshadu waxay u baahan tahay qorshe mustaqbal oo ay rumaysan karaan, oo laga midho-dhalin karo.

Qofka xiisaynaya in uu mowduucan wax kasii akhriyo waa kuwan research articles aan macluumaadka qaar kasoo xigtay.

Case A, Deaton A. Rising morbidity and mortality in midlife among White non-Hispanic Americans in the 21st century. Proc Natl Acad Sci U S A. 2015; 112(49):15078–15083.

Scutchfield FD, Keck CW. Deaths of despair: Why? What to do? Am J Public Health. 2017;107(10):1564–1565.

https://www.researchgate.net/…/28646635_Being_young_in_Afri…

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR