R/W ABIY AXMED maxuu Soomaalida u arki la’yahay?

Dad badan oo ila soo xidhiidhay ayaa igu dhiirigaliyey qoraallada aan u bixiyey Odhaah-siyaasadeedka Maanta in aan ku soo daabaco mareegta WardheerNews, si uu qoraalka u gaadho dad badan. Waanan qaatay.

Abiy Axmed, RW Itoboya, oo awoodda dalka ugu sarreysa si fudud ku helay waxa uu ilaa hadda ina tusay in uu noqon karo “IS-BADAL KEENE.” ama waxa afka qalaad lagu yidhaa ‘REFORMER,”

Intuu RW Abiy talada la wareegay waxyaabo aad loogu qushuuco ayuu ina tusay: awooddii TPLF oo la dhimay, maxaabis la siidaayey, kooxihii hubaysnaa (OLF, GINBOT 7, TPDM, ONLF) oo soo galay waddanka, collaadii Eriteriya oo la soo afjaray, tirada wasiirrada dawladda dhexe oo la dhimay (28 laga dhigay 20), iyo Cabdi M. Cumar  dawladdiisii oo noqotay ta kaliya ee Abiy afgambiyey. Cabdi Muxumed Cumar dhib xad-dhaaf ah ayuu dadkiisa ku hayay, waxuuna noqday “Loma ooyaan” dambiyo uu geystay iyo kuwo aanu geysan intaba lagu soo oogay. Dhibta uu Soomaali u geystay ayaan marnaba la hilmaami karin. Waxaan ka daalacan kartaan caddaynta ay diyaarisay Hay’adda Human Right Watch.

Dood macquul ah waa laga keeni karaa sababta Deeganka Soomaalida oo kaliya afgambigu uga dhacay. Waxaanse innaba doodi ka taagnayn in tacadigii iyo xadgudubka ka jiray Deeganak Soomaalida uu ahaa wax aan adduunka lagu arag.

Dawladdan cusub ee uu soo dhisay bishan Okotober horraanteedii iyo badhtamaheedii tallaabooyin aad loogu qushuuco ayuu qaadday. Boosas muhiimad leh ayuu u qoondeeyay haweenka Itoobiya. Marwo Sahle-Work Zewde, 68 jir kana soo jeedda qowmiyadda Amxaarada ayuu Madaxweyne ka dhigay (Waa markii ugu horreysay ee haweeney ka noqota madaxweyne dalka Itoobiya oo ku caan baxay nidaam iyo mamul xumo.

Intaa waxa dheer in golaha wasiirrada kala badh(50%) uu u magacaabay haween; wasaarado muhiim ah sida Difaaca (Aisha Mohameed – Canfar) iyo Mufria Kamal (Nabadaynta iyo Sirdonoka – Koonfur) iyo qaar kale. Gole ka kooban 20 wasiir iyo 55 Wasiru-Dawlo iyo Wasiir-xigeeno ayuu RW Abiy soo dhammaystiray.

Waxaa aad la isla dhexmarey saami qaybsigan iyo waxa Soomaali ka soo gaadhey. Sida la isku raacay, Soomaali qaybta ay ka heshay saami qaybsigan wax lagu qanci karo ma aha. Waxa, haddaba, isweydiin mudan waxa uu RW Abiy u arki la’yahay Soomaalida isla markaana aanu sharfin?

Taariikhdu markay ahayd 1921kii, waxa Ingiriisku ka adkaaday, isagoo kaashanaya Soomaali askar ah, Daraawiishtiii iyo Hoggaankii halganka gobinimadoonka waday. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu u qaxay gobolka Caruusi. Markii uu Dhaxal Suge Xayle Selaase maqlay in Sayidkii jabay isla markaana Duumo ku cuntay miyiga Caruusi, fariin ayuu diray: “Sayidow kaalay oo aan heshiino, Gobolkan Harargeena oo ah kan ugu qiimo badan ee dalkan boqortooyada waxaan kaaga dhigi Ras, ama Amir.”

Fariintan ka hor waxaa Ras ka ahaa gobolka Hararge Ras Mokenen oo ahaa Xayle Selaase Aabihiis. Fiiro xurmada Xayle uu siiyey Sayidka, laakiinse uu Sayidku ka diiday! Sharfta ayuu ka raacay Sayid Maxamed Cabdile Xasan

Sidoo kale taariikhdu markay ahayd 1947kii, waxa uu Xayle Selaasie ka qayb galay heshiiskii soo afjaray Dagaalkii Adduunka ee Labaad (WWII) oo ka dhacay magaalada Paris ee Faransiska. Boqor Xayla Selaasie waxa uu sii kaxaystay Afar oday. Sheeikh Al-Ahzara oo Soomaali ahaa ayaa afartaas oday ka mid ahaa. Waxa Boqorku rabay in uu adduunka tuso in Itoobiya ay tahay dal dadkiisuu qowmiyado kala duwan yihihiin.

Soomaali badani waxay qabaan in aanu R/W Abiy Soomaalida cisaynin. Soomaali hal wasiir kama badsan karto miyaa? Meles iyo Xalyle Mariamba hal wasiir ayey u oggolaayeen Soomaalida. Sidoo kale, Mengistuna hal wasiir ayuu siinjiray. Boqor Xayle Sellase qudhiisuna intaa ayuun buu u oggolaa Soomaalida.

R/W Abiy waxaad moodaa in ay Soomaalidu xaashida Qoomiyaduhu ugu qoranyihiin halka ugu hooseysa kaga jirto. Markii uu Mareykanka yimid, inta badan hadalladiisa magaca Soomaali ku ma jirin. Intuu illoobo ayaa gadaal looga sheegi jiray. Tan kale, markii uu ka hadlay Jabhadaha soo xerooday ee nabadda qaatay, ONLF wuu ka tagay ama maanu xasuusan. Isla markaas waxaad moodaa in uu sheegay magacda jabhado aan laba aqoon sida tan la yidhii dhinaca Tigreega ayey ka dagaalantaa.

Qoraa la odhan jiray Ralph Ellison oo ahaa nin u dhashay Mareykanka Modow (African American) ayaa buug qoray la yidhaa “The Invisible Man,” ama “Ninka aan La Ariki Karin.” Waxa uu buuggu tibaaxayaa sida ay u adag tahay in qofka madow la arko ama la sharfi karo inkasta uu sameeyo wax alla waxii laga rabay.

Sidoo kale, Soomaalida Itobiya ku hoos jirtaa, waxa kasta oy samayso, R/W Abiy kari waa in uu arko. Waxa uu kari waayey in Soomaalidu dhulka ugu baaxad weyn leedahay arko; waxa uu arki kari waayey in tacadiga ugu badani soo gaadhay Soomaali; waxa uu iska indhasaabay in Soomaalidu tahay qowmiyadda saddexaad ee ugu tirade badan; waxa laga dhaadhicin kari waayey ama maskaxdiisu sawiri kari wayday in ONLF kawada cimri dheertahay OLF, Ginbot 7 iyo Jabhadda Tigrey ee dhawaan billoowday in ay ka hortimaad TPLF. Waxa uu iska indha saabay in khayraadka ugu badan (petroleum iyo natural gas) ay ku jiraan dhulka Soomaalida.

Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana, R/W Abiyna diid in uu arko Soomaali. Waxaad moddaa in sidii Meles oo kale qabo. Sayid Khaliifa oo ahaa Suudaani Suxufi ah ayaa Mele waydiiyey su’aal ah “maxaad Soomaalida ugu yareysay Saami qabsiga dawladdaada iyagaaba soo kifaaxee.” Meles waxa uu ku jawaabay “Soomaalidu waa xoolo dhaqato oo maamulka ma taqaan.’ Xilligiaasi waxay ahayd 1991kii. 2018ka, tolow maxay wax isku badali waayeen? Maxaa Soomali loo arki la’yahay ooy u noqdeen sidii Ralph Ellison ku tilmaamay Mareykanka Modow, oo ah “The Invisible Man,’ ama “Ninka aan La’arki karin?”

Faysal C. Roble,
Los Angeles, California
Email: faisalroble19@gmail.com
Wardheernews.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR