Rag hubeysan oo maanta dil ka geystay magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka isbitaalka Digfeer, rag hubeysan ayaa halkaasi ku dilay nin Oday ahaa.

Gobojoogayaal ayaa waxa ay Dhacdo.com u sheegeen ragga dilka geystay oo xirnaa dareeska ciidanka dowladda inay wateen gaari nuuca raaxada ah, mar qurana ay rasaas la dhaceen ninkan Odayga ahaa.

Dableydii dilka geysatay oo ilaa hadda aanan la ogeyn cida ay ka tirsan yihiin ayaa goobta isaga baxsaday, kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka dowladda federaalka.

Ciidamada ammaanka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin cid loo soo qabtay dilkan dhacay.

Maalmahan dambe waxaa magaalada Muqdisho ku kordhay dilalka loo geysanayo ciidanka dowladda iyo shacabka Somaliyed, inta badan dilalka waxaa geysta ragga hubeysan ee ka kala tirsan kooxda yar ee Daacish iyo Ururka Al Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR