Raheem Sterling Ayaan Hadda Siin Lahaa Abaal Marinta Xidiga Sanadka – Halyayga Liverpool Ee Graeme Souness Oo Iska Indho Tiray Van Dijk.


Xidigaha kooxaha Liverpool iyo Manchester City ee Virgil Van Dijk iyo Raheem Sterling ayaa saxaafada Ingiriisku u buun buunisay in ay yihiin labada xidig ee xili ciyaareedkan ugu cad cad ee uu midkood ku guulaysan karo abaal marinta xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican inkasta oo ay Sergio Aguero iyo Mohamed Salah yihiin laba xidig oo door cajiib ah ka soo qaatay guulihii Man City iyo Liverpool ee Premier League.

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool isla markaana ah khabiirka Sky Sports ee Graeme Souness ayaa sheegay in Raheem Sterling uu hadda siin lahaa abaal marinta xidiga sanadka Premier league ugu fiican kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Crystal Palace.


Graeme Souness oo markii hore aan aaminsanayn in Sterling uu u qalmo ayaa go’ankiisii badalay wuxuuna hadda iska indho tiray Virgil Van Dijk oo ay khabiiro badan aaminsan yihiin in uu yahay xidiga inta ugu badan u qalma abaal marintan.

Gary Neville oo isna Sky Sports ka hawl gala ayaa sheegay in aynu wax shaki ahi ku jirin in Van Dijk uu yahay xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican  balse hadda Graeme Souness ayaa aaminay in Sterling uu ka horeeyo Van Dijk.


Raheem Sterling waxa uu soo dhaliyay 17 gool oo Premier league ah, halka Van Dijk uu soo awooday in uu 18 kulan shabaq nadiif ah garoonka kala baxay waana labada arimood ee labadan xidig inta ugu badan lagu kala qiimaynayo iyo waliba xogta saamaynta guud ee ay kooxahooda ku yeesheen.

Graeme Souness oo Sterling ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan isku taagayaa midkaas (in Sterling abaal marinta ku guulaysto), waxaad sheegtay De Buryne oo sanadkan dhaawac ahaa, Aguero iyo isaga (Sterling). Sterling waxa uu halkan Anfield ka baxay isaga oo 20 sano jir ahaa. Cajiib ayuu ahaa, waxaana waajib ah in uu ka sii fiicnaado”.

Graeme Souness oo sharaxaad ka bixinaya sida ayna Sterling gool dhalintiisa oo kaliyi abaal marinta xidiga sanadka ugu goyn karin ayaa yidhi: “17 gool isaga kuma filna, isagu ma aha dhamaystiraha ugu fiican, waanan hubaa in uu taas aqbali karo, laakiin waxa uu helay boos halkaas oo uu markasta goolal ku dhalin karo, waxa ku fiican yahay in uu 20 ku dhaliyo kooxdaas uu u ciyaarayo ee xili ciyaareedka”.

Inkasta oo uu Graeme Souness aaminsan yaha in 17 gool ayna Raheem Sterling ugu filnayn in uu abaal marinta xidiga sanadka ku guulaysto maadaama oo ay jiraan xidigo ka gool dhalin badani, haddana waxa uu cadeeyay in uu isagu abaal marinta xidiga ku taageerayo Sterling.

Laakiin Graeme Souness waxaa in badan lagu khilaafsan yahay in Van Dijk uu yahay xidiga Sterling kaga horeeya abaal marinta xidiga sanadka iyada oo dadka wax qiimeeyaa ay ku doodayaan in saamaynta Sterling ee Man City ay ka yar tahay inta uu saamayn Van Dijk ku soo yeeshay kooxdiisa Liverpool.

Laakiin ciyaartoyda 20 ka kooxood ee Premier league ayaa haddaba codbixintooda samaynaya iyada oo ay inta ugu badani codbixintooda dhamaystireen.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR