Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka dhagax dhigay Mashaariic dhowr ah

BAYDHABO (HABLEEG)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo xarumo bixiya adeegyada Bulshada.

Mashaariicda la dhagax dhigay ayaa waxaa kamid ah Dhismaha Machadka Daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada Carruurta iyo Isbitaal Bixiya adeeg caafimaad.

“Maanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska xarumaha dowladda, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.


Post Views:
19

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR