Raisul Wasaaraha Itoobiya, Ma Ku Guulaysan Doonaa Hawlgalka Milatari Ee Gobolka Tigray Mise Isaga Ayaaba Halis U Ah In Uu noqdo Gorbjev-kii Itoobiya? (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

Hawlgalka milatari ee hadda todobaadkii labaad ka socda gobolka Tegray marka laga eego khilaafka uu ka dhashay iyo arimaha labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin arinku maaha mid sahlan oo la fudaydsan karo waayo wuxu leeyahay wejiyo dhawr ah. Dadka u dhuun daloola arimaha Itoobiya sida ay qaar ka mid ahi u dhigayaan khilaafka siyaasiga ah ee dagaalkan sababay ayaa ah mid aad loogu kala fog yahay oo aan ku koobnayn madaxda Dawlad Degaanka Tegray oo ka talo goosatay Dawladda Federaalka iyo Itoobiya inteedii kale eh uu jiro dareen shaki oo laga qabo isbededlka ka socda dalka Itoobiya ee RW Abiye Axmed hogaaminayo oo loo tirinayo in uu salka ku hayo aragti u gaar ah qoomiyadda Amxaarada oo ah qoomiyadda labaad ee ugu tirada badan qoomiyadaha Itoobiya oo la ogyahay in ay gebi ahaanba ka soo horjeedo nidaamka federaaligi ah ee hadda Itoobiya ka jira una aragto qoomiyad ahaan  in uu wiiqay awooddii dhawladda dhexe. Amxaaradu markaa, sida la leeyahay, waxay doonaysaa in laga noqdo nidaamka federaaliga oo lagu bedelo dawlad dhexe oo leh awood badan gacantana ku wada qaban karta talada dalka Itoobiya, weliba ay amxaaradu noqdaan kuwa hogaaminaya hadii ay tooda noqoto.Taas oo qoomiyadaha kale oo dhami ay kaga soo horjeedaan. Xataa qoomiyadda uu ka soo jeedo Abye Axmed inta badana u tiriya laftiisu in uu u janjeedho dhinaca Amxaaradda ayaan sinaba u aqbali karin wax aan ahayn nidaamka federaaliga ah ee dastuuriga ah.

Hadii hadaba ay wax ka jiraan shakiga laga qabo isbedelka Abye Ahmed uu ka wado Itoobiya waxa laga yaabaa in hawlgalkan milatari aanu noqon wax lagu soo afjari karo muddo kooban sida uu yahay ku talogalka Abye Axmed iyo dawladda Federaalka ee uu hogaaminayaa ee waxa suurogal ah in uu dheeraado.

Dhawrkii maalmood ee ugu horeysay dagaalka ciidamada dawladdu waxay abbaareen in gobolka Tegray ay ka xidhaan xadka dhinaca dalka Sudan ee galbeedka  iyo dhinaca bariga ee Dawlad Degaanka qoomiyadda Canfarta oo ahaa labada dhinaca ee keliya ee u furnaa gobolka Tegray. Dhinaca koonfurta ee Dawlad Degaanka Amxaarada iyo Dhinaca Waqooyi ee xadka Calatariya ayaa ah labada dhinac ee lagaga soo duulay gobolka Tegray sida ay sheegeen madaxda TPLF ee ka taliya gobolku.

Marka laga eego dhinaca milatariga dabcan awoodda dabka isuma dhigmi karaan labada dhinac ee waxa awood badan Ciidamada Dawladda Federaalka oo weliba ay xoojinayaan ciidamada maleeshiyada Amxaarada oo ka barbar dagaalamayaa ciidanka dawladda iyo kuwo Calatariyaan ah oo laga yaabo in ay gacan siinayaan. Saraakiisha TPLF iyagoo taa og kuna xisaabtamaya iyagu dhinacooda waxay sheegeen in ay isu diyaariyeen dagaal dheer. Taa waxa loo fasirankaraa inta hore oo dhan in aanay ku talo gelin dagaalka caadiga ama fool ka foolka ah (conventional warefare) si aanay quwadooda milatari ugaga burburin. markaa tab ahaan iyo xeelad ahaan TPLF waxay ku talogaleen in ay ku burbuiyaan ciidamada cadowga gudaha gobolkooda iyagoo adeegsanaya dagaal jabhadeed ay waayoaragnimo dheer u leeyihiin si fiicanna ugu diyaar garoobeen waayo waxay og yihiin in guushoodu ay ku jirto in dagaalku dheeraado, halka guusha dhinaca kale ee dawladdana ay tahay in si dhakhso hawlgani loogu xaqiijiuo ujeedadii laga lahaa. Gaar ahaan TPLF iyaga waxa guul u ah inay fashiliyaan hawlgalkan milatari taasina waxay ku xidhan tahay dagaalka oo dheeraada iyaga ayaanay hawshoosi u taalaa in ay dheereeyaan.

Ciidanka Tegrayga marka hore haba jirto in gacanta sare laga yeesho waayo kuma talogelin difaac in ay ka galaan xadka dhinaca Amxaarada gebi ahaanba. waxase jiri kara arimo laga yaabo in ay ku xisaabtami karaan oo iyaga dhinacooda caawinaya.  Waxa ka mid ah dagaal jabhadeedka oo waayoaragnimo dheer ay u leeyihiin una diyaarsan yihiin sidii ay ciidamada cadowga ugu burburin lahaayeen gudaha gobolka Tegray marka ay gudaha u soo galaan. Ta kale dabeecdda adag ee dhulka buuralayda ah ee Tegray lafteedu way caawinaysaa halka ciidanka cadawgooduna uu kala kulmayo dhibaato wayn. Dadka degaanka ee lagu dhex dagaalamayaa waa dadkoodii oo iyaga ayay si walba u taageersan yihiin ciidamada dawladdana waxay u arkaan cadow ku soo duulay.

Dhinaca kale gobolka Tegray waxa ku nool dadwayne ka badan lix malyan oo rayid ah kuna go’doonsan laydhkii iyo warisgaadhsiintiina laga jaray, dhibaatooyinka dagaalka ka soo gaadhayaana u dheer yihiin. Mudadii yarayd ee dagaalku socday qaxooti 30,000 ku dhaw ayaa gaadhay Sudan waxana lagu qiyasay qaxootiga maalin kasta ka gudbaya xadka Sudan ilaa 5000 oo qof oo maato iyo maxas ah. In kasta oo dagaalku maalmo uun socday hadana durba Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamka waxay werer badan ka muujiyeen dhibaatooyinka dhinaca bani aadminimada ee ka dhalan kara dagaalkan. sidaa daraadeed waxay ugu baaqeen dawladda Itoobiya in ay joojiso dagaalka wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka balse dawladdu way ku gacan saydhay iyadoo ku sababaysay in taasi ay caawinayso madaxda gobolka ee ka talo goostay Dawladda Federaalka iyo Itoobiya intii kale iyadoo. Dawladdu waxay ku dartay hadakeeda in dagaalku aanu joogsan doonin ilaa gacanta lagu soo dhigayo madaxda gobolka Tegray ee ka falaagoobay taasina uma eka wax dhacaya.

TPLF waxay ka soo jeedaa jabhadii labaad ee ugu awoodda badnayd jabahdihii ka adkaaday ciidamadii Dergiga xiligii Mingisto ee hormoodka ka ahaa isbedelkii 1991ki. Ka dib burburkii Dergiga Jabhaddii EPLF ee Calatariya oo iyadu 30 sanadood muddo ka badan u soo dagaalamaysay madaxbanaanida Calatariya waxay markiiba gacanta ku dhigtay dhulkoodii ay u soo dagaalamayeen muddada dheer ee Calatariya, halka Itoobiya inteedii kale ay qabsatay TPLF iyo kooxo yaryar oo taabacsanaa. Etoobiya markaa muddo ka badan labaatan sanadood waxa ka talinayay oo awoodda ugu badan ku lahaa TPLF oo ahayd jabhadii qoomiyadda Tegray. Muddadaasi dheer waxay kasbadeen dhaqaale iyo hub iyo saanad tiro badan waxanay isugu geysteen gobolkooda Tegray oo si gaar ah ay ugu sedburinayeen una horumarinayeen.

Tan kale Khilaafka Dhaamka Wayn ee Itoobiya oon ilaa hadda wax heshiis ah laga gaadhin ayaa suurgal ah in laftiisu uu saamayntiisa ku yeelan karo iyadoo dalka Masar gaar ahaan uu u arki karo dagaalkan fursad uu cadaadis dheeraad ah ku saari karo Itoobiya.

Dhawr todobaad ka hor markii lagu soo kala kacay kulankii ugu dambeeyay ee sadex geesoodka ahaa Sudan iyo Masar waxay wadajir u cadeeyeen heshiis iskaashi oo dhinaca milatariga ah in ay kala saxeexdeen. Labadii maalmood ee ugu horeeyay dagaalka Tegray saraakiisha milatariga ee Masar iyo Sudan hadana waxay sheegeen in ciidamada milatariga ee labada dal, gaar ahaan ciidamadooda cirku ay carbis milatari iyo dabcan dhoolatus ku wada samayn doonaan dalka Sudan. Taas oo loo qaadan karo fariin iyo digniin ku socota Itoobiya xili uu ka socdo dagaal. Markaa waa suurogal in Masar ay si uun fargelin ugu yeelato dagaalka ka socda gobolka Tegray iyadoo caawinaysa TPLF.

Maxaa xal ah?

Ciidamada dawladdu waa suurogal in muddo kooban guulo tabeed oo xadidan ay ka soo hoyn karaan goobaha dagaalka ay balse guulahaasi ma noqon karaan wax ka badan guulo tabeed oo ku kooban goobaha dirirta maalmaha hore. Guusha rasmiga ahina waa guusha kama dambaysta ah ee hawlgalkani ku xaqiijin karo ujeedadii laga laga lahaa hadii uu xaqiijin karo. Markaa maxaa xal ah maxayse noqon kartaa natiijada ka dhalan karta dagaalkan? Waxa jira sadex sinaariyo oo laga fakari karo.

Ta koobaad waa sida uu yahay ku talogalka Abye Ahmed in dagaalku ku soo afjarmo muddo kooban oo todobaadyo aan ka badnayn (ilaa 8 todobaadba dheh) oo ciidanka Tegraygu ay is dhiibaan hubkana dhigaan madaxda gobolkana gacanta lagu soo dhigo si maxkamad loo hor geeyo madax cusub oo la jaanqaadda isbeddelka uu hogaaminayo Abye Ahmedna lagu bedelo kuwii hore.

Sinaariyaha labaad waa Abye Ahmed oo fakara laba goor marka ugu horeysa uu ogaado in arinku aanu ahayn sidii uu malaynayay ka dibna dhinac kale ugu wareego oo ah in dagaalka uu joojiyo ogolaado wadahadal iyo in la dhexdhexaadiyo Xukuumadiisa iyo madaxda Dawlad Degaanka Tigray, sidii ay kula taliyeen Qaranada Midoobay iyo bulshada caalamku markii horeba.

Sinariyaha sadexaad waa ka baqaha ugu badan laga qabi karo hadii labada sinaariyo ee horey midna suurtogal noqon waayo.

Marka dagaalku dheeraado waxa dhici karta in aanu ku ekaanin gobolka Tegray ee isu rogi karo dagaal sokeeye oo qoomiyadaysan Itoobiya oo dhanna saameeya, ugu damaystana xaalku gaadho in Itoobiya ay kala daadato oo qoomiyadaha qaar ay ku dhawaaqaan in ay ka baxeen federaalkii ay kula jireen Itoobiyoka ka dibna taasi noqoto tusbax furmay. Taas oo hadii ay sidaa u dhacdo Raisul Wasaare Abye Axmed xaalkiisu ku dambayn doono in uu noqdo Gorbachev-kii Itoobiya markaa khariiradda Itoobiya iyo khariidadda Geeskuna ay isbedeli doonto. Sadexdaa sinaariyo ayay mid natiijada dagaalka ka socda gobolka noqonaysaaye bal ha laga dhursugo tay ay noqoto.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR