RASMI: Arsenal Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Xaalada Daafaca Ay Dhaawaca Kusoo Iibsatay Ee Keiran Teirney – Goorma Ayuu Garoomada Kusoo Laaban Doonaa?


Kooxda Arsenal ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaalada daafaca bidix ee ku cusub kooxdeeda ee Keiran Teirney kaas oo ay 25 Milyan heshiiskiisa ku dhammaystirtay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga England.

Tababare Unai Emery ayaa sameeyay saxeexa daafacan bidix isaga oo doonaya inuu soo koobo farqiga u dhaxeeyay xilli ciyaareedkii hore kooxdiisa Arsenal iyo kooxihii ka sarreeyay ee horyaalka ku tartamayay.

Arsenal fans will want to see how Kieran Tierney does after moving from Celtic

22 jirkan ayaa la filayaa inuu ugu dambayn noqon doono daafaca bidix ee xasilin doona Gunners isaga oo booska kala baxaya labada ciyaartoy ee booskaas kasoo dhalaali waayay ee Nacho Monreal iyo Sead Kolasinac.

Haatan ayaa bogga rasmiga ah ee Arsenal lagu daabacay warbixin caafimaad oo la xidhiidha dhaawaca gumaarka ah ee uu Teirney qabo isla markaana ay kooxdu kula soo wareegtay iyo wakhtiga uu kasoo kabanayo.

Warka aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta Arsenal ayaa ah in Teirney aysan arki doonin ugu yaraan bil iyo badh kale isla markaaana uu tababarka kooxda kusoo laaban doono bisha tobnaad ee October.

“Gumaarku waxa uu sii wadaa inuu helo daawayn iyo qiimayno dheeraad ah, Waxa uu u dan leeyahay (Teirney) inuu ka qayb qaato tababarka buuxa bisha October” – Ayaa lagu yidhi warbixintan caafimaad ee ay kooxdu kasoo saartay xaalada Keiran.

Arsenal ayaa sabtidan kusoo laaban doonta saaxada ciyaaraha marka ay Emirates Stadium ku qaabilayso kooxda Burnley iyagoo guul 1-0 ah kasoo gaadhay Newcastle United kulankii furitaanka ee horyaalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR