RASMI: Everton oo daqiiqadahii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga la saxiixatay Mina, Gomes iyo Bernard.

Kooxda Everton ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay inay lasoo saxiixagto kooxda Barcelona ee Yerry Mina iyo garabka reer Brazil ee Bernard.

Everton ayaa ku garaacday Manchester United saxiixa Mina oo ay ku hungoobeen, waxaana la fahansanyahay in Lucas Digne oo isna xagaagan kasoo dhaqaaqay kooxda Barca.

Toffies ayaa heshiiskan ku dhammeystirtay qiimo dhan €30.2m oo dib looga dari doono €1m.

Sidoo kale naadiga Mersyside-ka ka dhisan ayaa dhammeystirtay saxiixa Bernard oo reer Brazil ah.

Garabkan ayaa saxiixay heshiis afar sano ah oo uu Goodison Park ka ciyaari doono, isagoo beeca xorta ah ku yimid.

Waxaana dhowaan ayay dhammeystirtay saxiixa laacibka reer Portugal ee Andre Gomes kaasoo hal sano oo amaah ah kula joogi Everton.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR