RASMI: Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee Copa Del Rey Oo La Sameeyay – Kooxahee Ayay Ku Aadeen Barcelona, Real Madrid & Atletico Madrid?


Advertisements


Waxa si rasmi ah loo sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee tartanka Copa Del Rey iyadoo sida sharcigu yahay ay afar kooxood oo ka socda heerka hoose ee Segunda B ku aadeen afartii kooxood ee Spanish Super Cup-ka soo ciyaaray.

Kulamadan ayaa ah kuwo la ciyaari doono badhtamaha toddobaadka dambe iyadoo wakhtiga la ciyaarayo qudhiisu uu qayb ka yahay isbedelada lagu sameeyay tartankaas sanadkan.

Sanadkan ayaa ah mid gabi ahaanba wax badan kaga geddisan qaababkii hore loogu ciyaari jira Copa Del Rey, Dhammaan kulamada ayaa noqon doona kuwo hal lug lagu kala baxo oo kaliya wareega afar dhammaadkuu uu laba lugood noqon doono.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale sheegaya in markasta kooxaha heerka hoose ay noqon doonaan kuwa gurigooda lagu ciyaarayo halka haddii labada kooxood ay isku horyaal yihiin lagu kala saari doono qori tuur.

Advertisements


Kooxda uu gadh wadeenka ka noqday tababare Quique Setien ee Barcelona ayaa booqan doonta Ibiza halka Real Madrid ay booqan doonto Unionistas Salamanca iyadoo Atletico Madrid ay martiyi doonto Cultural Leonesa.

Isku Aadka Oo Dhammaystiran

Image

Image

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR