RASMI: Jamei Vardy oo heshiis cusub u saxiixay koxdiisa Leicester City.

Weeraryahanka kooxda Leicester City ee Jamei Vardy ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sano ah oo uu kusii joogi doono King Power Stadium.

31-jirkan ayaa lasii joogi doono kooxda Leicester illaa iyo xagaaga 2022, xilli uu qaadanayo xilli ciyaareedkiisii 7-aad ee kooxda maaliyadda Buluugg ah ku ciyaarta.

Vardy ayaa u dhaliyay Foxes 88-gool oo ay ku jirto 20-gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, tan iyo markii uu 2012 kaga soo biiray kooxda Fleetwood Town.

Weeraryahanka xulka qaranka England ayaa Leicester City ka caawiyay inay kasoo dallacdo heerka labaad ee Ingiriiska sanad ciyaareedkii 2013-2014 isagoo u dhaliyah 16-gool markaas.

Si la mid ah, waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa xiddihii Leicester u gacan geliyay horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkii 2015/16.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR