RASMI: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday In Daafacooda Reer Brazil Marcelo Uu Ogolaaday Heshiis Kordhin & Waqtiga Lasoo Bandhigi Doono.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in daafacooda bidix ee Marcelo uu ogolaaday inuu heshiiska u kordhiyo isla markaana uu kooxda kusii sugnaado shanta sano ee soo aadan sida ku cad bayaan ay goor dhaw soo saartay kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga.

Marcelo oo daafaca kaga ciyaara qaranka Brazil wuxuu kusoo biiray Los Blancos sanadkii 2007, balse haatan wuxuu ogolaaday inuu heshiis shan sanadood ah saxiixo taasoo ka dhigan inuu ka bixi karo Santiago Bernabeu 2022.

Boqortooyada ayaa maanta oo Arbaco ah galinka dambe bayaan rasmi ah ku xaqiijisay arinkaan inkastoo wali la sugayo inuu qalinka ku duugo heshiiska si uu u dhaqan galo.

“Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo Marcelo waxey ku heshiiyeen in la kordhiyo heshiiska xidiga, taasoo kooxda baaqi uga sii dhigi karta ilaa 30-ka June 2022”

“Berito, Khamiis 2:00 duhurnimo, Marcelo ayaa kasoo hor muuqan doona saxaafadda isagoo ku sugan qolka shirarka garoonka Santiago Bernabeu” ayuu u qornaa bayaanka.

Marcelo sanadkii 2007 wuxuu kaga soo biiray Madrid dhanka kooxda Fluminese ee dalka Brazil, tan iyo markaas 48-jeer ayuu matalay qarankiisa halka uu Madrid u saftay 414 oo ay ku jirto 295 kulan oo La Liga ah.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR