Rasmi: Shirkada Elliott oo toos ula wareegtay milkiyada AC Milan iyo danta ugu jirto Milan

Shirkada Mareekanka Elliott Management ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay milkiyada kooxda AC Milan la wareegtay.

Milkiilahii hore AC Milan Mr. Li wuxuu awoodi waayay 32-milyan euro ah raasumaalka kooxda inuu ku kordhiyo waxaana ka dhacay waqtiga haatana deenta Milan ku leedahay shirkada Elliott waxay gaareysaa 412m oo euro ah.

Sidaa darteed Shirkada Elliott waxayba toos ula wareegtay milkiyada Milan ayadoo balan qaaday inay 50-milyan kaash ahaan kooxda u siineyso si culeeska dhaqaale Mr. Li galiyay looga qafiifiyo.

Shirkada Elliott ayaa sidoo kale sheegtay inay Milan cayaartooyd usoo iibin doonto maamul cusubna u sameyn doonto si kooxdan xasilooni dhaqaale gudaha garoonka iyo banaanka u hesho.

Milan waxay qasaartay 75-milyan oo pound sidoo kalena waxaa laga saaray ama laga ganaaxay ka qayb qaadashada Europa League kadib markii UEFA ku eedeesay kooxdan inaysan u hogaansamin nidaamka dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub lagu maamulo.

Waxaa la rajeynaa in kooxda AC Milan xasilooni heli doonto marba haddii shirkadan Mareekanka ah la wareegtay inkastoo milkiilahii hore Mr. Li sheegay inuu dacwad bilaabi doono si weli kooxda gacantiisa uga bixin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR