RASMI: Telefishanka BeIN Sports Oo Shaaciyay Wariyaasha Kulamada Champions League Ee Arbacada-Ayaa Loo Doortay PSG-Real Madrid & Juventus-Atletico Madrid?


Caawa waxaa si rasmi ah u furmaya tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League wuxuuna Telefishanka BeIN Sports shaaciyay wariyaasha qaban doona dhamaan kulamada heerka groupyada Champions League ee todobaadkan la ciyaarayo.

Iyada oo aanu xalay idiin soo gudbinay wariyaasha loo magacaabay kulamada caawa ee Champions League, waxa uu sidoo kale Telefishanka BeIN Sports shaaciyay wariyaasha qaban doona kulamada habeen danbe oo ay ku jiraan kulamo xiiso badan.

Akhriso Wariyaasha BeIN Sports u Doortay kulamada caawa haddii uu warku ku dhaafay iyo channelada ay kulamada caawu ka soo galayaan.

Haddaba telefeshanka caanka ah ee Bein Sports oo ah kan ay inta ugu badan Somalidu jecel yihiin in ay ciyaaraha Champions League iyo horyaalada ka daawadaan qaybtiisa carabiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay wariyaasha kulamadan habeen danbe qaban doona.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wariyaasha uu telefishanka BeIN Sports uu magacaabay in ay falanqeeyaan kulamada furitaanka UEFA Champions League ee habeen danbe la ciyaari doono.

Kulanka ugu xiisaha badn kulamada habeen danbee e PSG iyo Real Madrid waxaa loo xil saaray wariyaha aad loo jecel yahay ee Ra’uuf Khaliif halka Cisaam shuwaali uu hayn doono kulanka ay Bayern Munich la ciyaari doonto kooxda Red Star Belgrade.

Kulamada UEFA Champions League ee Habeen Danbe La Ciyaari Doono Iyo Wariyaasha uu BeIN Sports u magacabay si la mid ah Channelada ay kulamadan ka soo gali doonaan.

Olympiacos Vs Tottenham:

Wariyaha: Cali Mohamed Cali

Chennelka: HD1

Shakhtar vs Man City:

Wariyaha: Xafiid Daraji

Chennelka: HD2

Atletico Madrid Vs Juventus

Wariyaha: Khaliil Balushi

Chennelka: HD3

Bayern Munich Vs Red Star Belgrade

Wariyaha:  Cisaam Shuwaali

Chennelka: HD5

PSG Vs Real Madrid:

Wariyaha: Ra’uuf Khaliif

Chennelka: HD1

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR