RASMI: Xiddiga ku guuleystay goolkii ugu quruxda badnaa Isbuuca ee Champions League oo la shaaciyey

Waxaa la shaaciyey xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolka ugu fiicnaa Isbuuca ee UEFA Champions League, kulamada lugta labaad ee Wareegga Siddeed dhammaadka Koobka horyaalladda Yurub, kaasoo ay soo saarto shirkadda Nissan, waana Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Dhaliyaha kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa abaal-marintan ku helay goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyey kooxda Manchester City, kulankaasoo ka dhacay garoonka Etihad, iyadoo Reds ay kooxda tababare Pep Guardiola uga adkaatay 1-2.

Haddaba Wiilka Muslimka ah ee Mohamed Salah ayaa codadka ugu badan helay codeyntii la qaaday, waxaana uu abaal-marintan ku garaacay xiddigaha kala ah Oxlade-Chamberlain, Ronaldo, Suárez iyo Mandžukić.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR