RASMI: Xiddiga Real Madrid Marcelo Oo Ganaax Garka Loo Geliyey Ka Dib Markii Uu Haraantiyey Daafac Levante Ah

Guddiga Tartamada ee Xiriirka Kubadda Cagta Spain (The Spanish FA Competition Committee) ayaa waxay laba kulan oo ciyaaraha horyaalka La Liga ah ganaaxeen daafaca dambeedka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo.

Sababta labadaan kulan ee horyaalka La Liga ah loo ganaaxay Marcelo waxay tahay inuu casaan qaatay intii lagu jiray ciyaartii Sabtidii lasoo dhaafay ay kooxdiisa Real Madrid barbardhaca 1-1 ah la gashay kooxda Levante.

Marcelo ayaa ciyaarta laga saaray ka dib markii uu madaxa ka haraatiyey daafaca kooxda Levante Jefferson Lerma. Wuxuuna haatan seegi doonaa ciyaaraha ay Los Blancos horyaalka La Liga ku wajaheyso kooxaha Real Sociedad iyo Real Betis.

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laaban doona Real Madrid. Maadaama uu ganaaxa Marcelo yahay mid maxalli ah xiddigaan ayaa caawa oo Arbaco ah kasoo muuqan doona kulanka ay furitaanka UEFA Champions League ku wajahayaan kooxda APOEL.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR