Real Madrid Mise Man City? Wayne Rooney Oo Saadaaliyay Kooxda U Soo Bixi Doonta Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Wayne Rooney ayaa saadaaliyay kooxda iska xaadirin doonta wareega Xiga kulanka kooxaha Man City & Real Madrid ee lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions Leageu.

Man City ayaa jimcaha kuna beegan 7 bisha August marti galin doonta kooxda Real Madrid kulan ka dhici doona garoonka Etihad Staduim.

Rooney oo la hadlaya wargayska The Times ayaa yidhi”Ma jirto fursad ka fiican oo ay Man City ugu guulaysan karto champions League”.

“Real Madrid waxa ka maqan Sergio Ramos waxana ay arintaas khasaare weyn u tahay Real Madrid”.

“Waxan u malaynayaa in ay Man City goolal ka dhalin doonto kulanka laakiin su’aasha meesha taala ayaa ah ma difaacan karaan goolkooda, Real Madrid waxa ay bartilmaameedsan doonaa daafaca Man City waana arin wal-wal ku leh City dhamaan kooxaha premier League ee waaweyn sanadkan way ka badiyeen Man City”.

“Isku soo wada duub oo waxa aan saadaalinayaa in ay Man City badiso kulanka sababta oo ah way soo bixi karaan xitaa hadii 1/0 looga badiyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR