Real Madrid Oo Kafiirsanaysa In Ay Kooxda Kadirto Xidigeedan Da’da Yar.

Real Madrid ayaa kafiirsanaysa in ay Iska dirto xidigeeda da’da yar ee 19-jirka ah Martin Odergaard kaas oo kooxo badan ugu soo ciyaaray qaab amaah ah.

Sunday Mirror ayaana ku warramaysa in ay kooxda ciyaarta LA Liga ay ka fakarayso in ay xidigan ku wareejiso koox ka ciyaarta Championship-ka England si uu halkaas ugu hormariyo xirfaddiisa.

Odergaard ayaa loo arkay mid mustaqbal kuleh ka ciyaarista Santiago Bernabeu balse xidigan ayaa intiisi badnayd xirfaddiisa curdunka ah kuqaatay kooxo ay amaah ugu diraysay Real Madrid.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR