Real Madrid Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Paul Pogba Suuqa January

Kooxda Man United ayaa u muuqata mid aqbashay in iibinta Paul Pogba ay tahay mid lagama maarmaan ah kadib markii uu xiddigu soo bandhigay qaab ciyaareed xun una muuqdo mid aan ku faraxsanayn kooxda.

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda Real Madrid u sheegtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga Paul Pogba marka la gaadho suuqa January marka uu suuqu dib u furmo.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Real Madrid go,aansatay in ay mar kale isku daydo saxixia Paul Pogba marka la gaadho suuqa January laakiin Man United ayaa u sheegtay in ay xiddiga reer France ku fasixi doonaan lacag dhan 179 milyan oo euro.

Xiddiga reer France ayaa bilowgii xagaagan qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United si uu u raadsado tartan cusub isaga oo waliba qirtay in ku biirista Real Madrid u tahay riyo waliba doonayo in uu ku hiiro.

Wargayska Sport ee ka soo baxa Spain ayaa sheegaya in ay Man United diidi doonto wax ka yar lacag dhan 179 milyan oo euro oo lagu soo dalbado xiddiga reer France suuqa Janaury.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR