Real Madrid Oo Si Sahlan Ku Heli Karta Xiddig Ay Saxeexiisa Barcelona Ku Daashay & Sababta U Fududayn Doonta Haddiiba Ay U Baahato Inay Lasoo Wareegto.

Kooxda Real Madrid ayaa ah mid si sahlan ku heli karta saxeexa weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic kaas oo ay mudo dheer saxeexiisa ku raad joogtay kooxda ay sida khaaska ah u xifaaltamaan ee Barcelona oo iyadu bar-tilmaameed weyn ka dhigatay.


Barca iyo madaxdeeda suuqa kala iibsiga ayaa weeraryahankan u arkayay midka ugu haboon ee bedel najaxa u noqon kara Luis Suarez oo haatan dhammaadka waayihiisa galaya iyaga oo kulamo dhawr ah si toos ah usoo daawaday ciyaartiisa.

Wakhtigaas ay Barcelona galisay soo daawashada iyo qiimaynta Jovic ayaa noqon kara mid gabi ahaanba khasaaray waa haddiiba ay doorbido saxeexiisa Madrid oo xidhiidh wanaagsan la leh kooxdiisa Frankfurt.


Waxa ugu weyn ee fure u noqon kara in Real ay si aan dhib badnayn ku hesho Luka ayaa ah xidhiidhka aadka u fiican ee kooxdiisa kala dhaxeeya maadaama ay xilli suuqyadii ugu dambeeyay is dhaafsadeen heshiisyo dhawr ah.

Real Madrid ayaa daafaceeda Jesús Vallejo qaab amaah ah ugu dirtay dhinaca Frankfurt halkaas oo uu khibar kusoo helay kahor soo laabashadiisa intaa waxa dheer inay si toos ah uga iibiyeen kooxda ree Germany Oscar Mascarell iyo Lucas Torro.


In xidhiidhyadaas caddaanka ahi ay dhex mareen labada kooxood Real-na ay ahayd kooxda inta ugu badan xiddigaha u diraysay Frankfurt ayaa ka dhigan in Los Blancos ay si sahlan ku heli doonaan 21 jirkaas haddiiba ay wax xiiso ah u qaadaan.

Jovic ayaa haatan amaah kaga soo maqan dhinaca Benfica balse Frankfurt ayaa filaysa inay si rasmi ah ula saxeexato iyaga oo lacag ku heli kara inay dib usii iibiyaan maadaama oo uu haatan ku jiro qorshaha kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR