Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka El Clasico.

Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka El Clasico.

Kooxda Real Madrid ayaa ku soo laabtay tababarka iyaga oo isku diyaarinaya kulanka adag ee El Clasico kadib markii ay garaaceen Liverpool waxana ay tababarka ka heshay war fiican.

Real Madrid ayaa war fiican ka heshay kadib markii ay xiddigaha Dani Carvajal iyo Eden Hazard ku soo laabteen tababarka buuxa ee kooxda ka hor kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga.

Labada xiddig ayaa si buuxda uga soo laabtay dhaawac ay kaga maqnaayeen kooxda waxana la filayaa in ay taam u noqdaan kulanka El Clasico ee dhici doona maalinta Arbacada.

Warkan ayaa ah mid u fiican Tababare Zidane marka loo eego in uu kulanka El Clasico yahay mid muhiim u ah kooxdiisa hadii ay doonayaan in ay sii wadaan u tartamista horyaalka La Liga.

Labada kooxood ee Real Iyo Barca ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kaliya hal dhibic kala sareeya waliba muhiim u tahay guusha labada kooxoodba hadii ay doonayaan ku guulaysiga horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga:Imisa Jeer Ayaad Gabadha U Sheegi Kartaa In Aad Jeceshahay?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR