RIKOOR: Waa markii ugu horreysay oo macallin Bidaar leh uu ku guuleysto Premier League, Pep Guardiola ayaana rikoorkaas haysta!

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay xalay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii kooxda ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro 1-0 kala kulantay West Brom.

Waa markii shanaad oo ay Manchester City qaato horyaalka Ingiriiska kaddib xilli ciyaareedyadii 1936–37, 1967–68, 2011–12, 2013–14.

Haddaba hanashada horyaalka Premier League ee Man City macallinka kooxdaas hoggaamiya ee Pep Guardiola ayaa labo rikoor sameeyey.

Kan hore Pep Guardiola ayaa noqday Spanish-kii ugu horreeyey ee ku guuleysta horyaalka Ingiriiska.

Dhinaca kale Tababare Pep Guardiola ayaa noqday macallinkii ugu horreeyey ee Bidaar leh oo ku guuleysta horyaalka Premier League.

Waa markii ugu horreysay oo macallin bidaar leh uu ku guuleysto Premier League, Pep ayaana rikoorkaas haysta.

Markii ugu dhaweyd oo macallin Bidaar leh uu qaaday horyaalka Ingiriiska waxay ahayd tababare Ron Saunders oo isagoo timuhu ka sii daadanayaan oo bidaari ku socoto kooxda Aston Villa u qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii 1980/81.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR